Biden iyo Abiy oo telefoonka uga wadahadlay xaalka Tigray
WASHINGTON, USA – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kala hadlay colaadda sii socota ee ka jirta dalkaas, wuxuuna walaac ka muujiyay dadka lagu hayo xaaladda degdegga ah, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Biden waxa uu sidoo kale soo qaaday walaaca ku saabsan dhimashada dadka rayidka ah ee duqeymaha cirka ee u dambeeyay, waxaana uu xaqiijiyay sida ay Mareykanka uga go'an tahay in ay ka barbar shaqeeyaan Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee gobolka si ay gacan uga geystaan xalinta khilaafka, Aqalka Cad ayaa bayaan ku sheegay Isniintii.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Abiy ku ammaanay sii deynta dhowr maxaabiis siyaasadeed oo dhawaan laga sii daayay, waxayna labada hoggaamiye ka wadahadleen sidii loo dardargelin lahaa wada-hadallada ku aaddan xabbad-joojin degdegga ah ee lagu horumarinayo gargaarka bani'aadamnimo ee Itoobiya oo dhan, ayuu yiri Aqalka Cad.
Abiy ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu la yeeshay wadahadal “si hufan” Biden “oo ku saabsanaa arrimaha hadda ka taagan Itoobiya, xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka”.
Jimcihii, dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay cafis u fidisay dhowr xubnood oo ka tirsan ururka TPLF (Tigray People’s Liberation Front), kuwaas oo ciidamadoodu ay tan iyo bishii November ee 2020-kii dagaal ba’an kula jireen ciidamada dawladda ee ku sugan waqooyiga Itoobiya, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal caan ah oo mucaarad ah oo ka tirsan jabhadda. Qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada.
Ilaa hadda ma cadda tirada dadka cafiska loo fidiyay ee la sii daayay.
Waxay ahayd talaabadii ugu yaabka badnayd ee ay dawladu qaado ka dib markii dagaalki Tigrayga ee lagu hoobtay uu galay waji cusub dabayaaqadii bishii December, markaasoo ciidamada Tigraygu ay dib ugu gurteen gobolkooda iyada oo ay duulaan militari ku qaadeen ciidamada Itoobiyana ay sheegeen in aysan horay u sii socon.
Warbaahinta dawladda Itoobiya ee EBC, ayaa sheegtay in la siidaayay Jawar Mohammed iyo Eskinder Nega, kuwaas oo la xiray bishii Luulyo 2020 ka dib rabshado ka dhashay dilkii fanaankii caanka ahaa ee Oromada Hachalu Hundessa.
Eskinder, hogaamiyaha xisbiga Balderas, ayaa ka baxay xarun lagu hayay fiidnimadii Jimcaha.
Dhanka kale Axadii, hay'adaha gargaarka ayaa joojiyay shaqadii ay ka hayeen qayb ka mid ah gobolka Tigray ka dib markii weerar cirka ah oo lagu hoobtay lagu qaaday xero ay ku noolaayeen dad ka barakacay dagaalka, sida ay sheegtay hay'adda gargaarka deg-degga ah ee Qaramada Midoobay.
Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarkii ka dhacay magaalada Dedebit ee waqooyi-galbeed ee Tigray “uu sababay khasaare badan oo rayid ah oo ay ku jiraan dhimasho”, sida lagu sheegay xogteeda hordhaca ah.
GAROWE ONLINE