Booliska Kenya oo "dilay" dagaalame Al-Shabaab ah

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa dilay nin hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana laga soo furtay lacag, qori iyo raadiye gacmeed kadib is rasaaseyn ka dhacday degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Sabtidii.

Ciidamadda ayaa sheegay in qofka dhintay uu ka mid ahaa shan maleeshiyada Al-Shabaab ah oo lagu arkay aagga Ali Wol Dam ee deegaanka Fino halkaas oo saraakiisha amaanka kawadeen howlgalo roondo muddooyinkii u dambeeyay.

"Kooxda amniga ayaa isla markiiba ka jawaabey halka ay kula kulmeen koox ka kooban shan maleeshiyada al-Shabab. Kooxda ayaa ku guuleystey in ay toogtaan hal Al-Shabaab, iyagoo soo helay hal qori AK47 ah, lacag iyo raadiye gacmeed," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamadda booliska waddanka Kenya.

Sidda laga soo xigtay bilayska, hawlgal amni ayaa hadda socda oo lagu raadinayo mintidiinta kale ee dhaawacmay oo la rumeysan yahay in ay ka soo tallaabeen xuduudka Soomaaliya.

Gobolka Mandheera ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay weerarro ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dad rayid ah iyo booliis isla markaana ku dhowaad tobaneeyo anteenooyin isgaarsiineed lagu burburiyay.

Maleyshiyada waxay bartilmaameedsanayeen anteenooyinka, iskuulada iyo guryaha la degan yahay oo ay kireystaan bulshooyinka aan u dhalan gobolada waqooyi bari Kenya ee aan xasilooneyn sidda Gaarisa, Mandheera iyo Wajeer.

Booliska iyo saraakiisha dowladda hoose ayaa waxay sheegeen in gobolka xudduudda la leh Soomaaliya la kulmayo culeysyo weeraro is-daba-joog ah oo kaga imaanaya xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM