Boqorka Holland oo raaligelin ka bixiyey kaalinta dalkiisa ee addoonsiga

Image
Waa qayb ka mid ah xisaabinta taariikhaha gumeysiga ee reer galbeedka ee sannadihii u dambeeyay kordhay.

NAIROBI, Kenya - Boqorka Holland Willem-Alexander ayaa raaligelin ka bixiyay doorkii uu dalkiisa ku lahaa addoonsiga, waxaana uu ku cafis weydiistay hadal uu ka jeediyay xaflad lagu xusayay sanadguuradii ka soo wareegtay markii la baabi’iyay addoonsiga.

Khudbadda boqorka ee Sabtidii ayaa daba socotay raaligelintii ra’iisul wasaaraha Holland Mark Rutte uu dabayaaqadii sannadkii hore ka bixiyay doorka dalkaas ee ganacsiga dadka iyo addoonsiga.

Waa qayb ka mid ah xisaabinta taariikhaha gumeysiga ee reer galbeedka oo sannadihii u dambeeyay ay soo abaabuleen dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter.

“Maanta waxaan taaganahay hortaada. Maanta, anigoo Boqorkaaga ah iyo Xubin ka tirsan Xukuumadda, waxaan raali-gelin ka bixinayaa nafteyda. Oo waxaan qalbigayga iyo naftayda ka dareemayaa culayska erayada," ayuu yiri.

Willem-Alexander ayaa waxa uu intaas kusii daray in uu u xilsaaray daraasad ku saabsan doorka saxda ah ee Aqalka Boqortooyada Orange-Nassau ee addoonsiga Nederland.

"Laakin maanta, maalintan xusuusta, waxaan cafis weydiisanayaa guuldarada cad ee ah in aan wax ka qabanno dembiga ka dhanka ah aadanaha," ayuu raaciyay.

Codka Willem-Alexander ayaa u muuqday mid si qiiro leh isku badalay markii uu dhameeyay khudbadiisa ka hor inta uusan ubax dhigin taallada qaran ee addoonsiga ee dalka oo ku taal beerta Amsterdam.

Addoonsiga waxaa lagu baabi'iyay Suriname iyo gumeysigii Nederland ee Kariibiyaanka bishii Luulyo 1, sanadka markii uu ahaa 1863, laakiin inta badan shaqaalihii la addoonsaday ayaa lagu qasbay inay sii wadaan ka shaqeynta beeraha muddo 10 sano oo dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM