Burkina Faso: Kooxo hubeysan oo 20 qof ku dilay xuduuda Togo

Image

AFRICA: Laamaha ammaanka ee dalka Burkina Faso ayaa Isniintii shalay sheegay in 20 qof lagu dilay weerar ay rag hubeysan ka fuliyeen meel u dhow magaalada Beto ee gobolka bartamaha bari ee xuduuda la leh Togo.

Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Burkina Faso ayaa sheegay, in weerarka uu ku dhintay 20 qof oo kuwaas oo u badan ganacsato, halka ilo maxalli ah ay sheegeen dhimashada 25 qof.

In ka badan 16,000 oo rayid, askar iyo booliis isugu jiro ayaa lagu dilay weeraro ay geysteen kooxo hubeysan, in ka badan 5,000 oo ka mid ah ayaa la dilay sanadkan, sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay hay’ad aan dowli ahayn.

Weerarradan ayaa sidoo kale barakiciyey in ka badan laba milyan oo qof gudaha dalka, taas oo ka dhigeyso mid ka mid ah dhibaatooyinka barakaca ee ugu xun ee Afrika.

Ibrahim Traoré ayaa la wareegay awoodda Burkina Faso Sebtembar 30, 2022, ka dib General Paul Henry Sandaugo Damiba, kaasoo bishii Janaayo ee sanadkaas afgambiyay madaxweynihii ugu dambeeyay ee dalkaasi oo doorasho ku yimid, Rock Mark Christian Kabore.

Hogaamiyayaasha afgambiga ayaa sabab uga dhiga in ay xukunka la wareegeen carada ay ka qabaan guul-darrooyinka ciidamada ammaanku uga yimid xakameeynta fallaagada hubaysan, oo kumanaan qof dilay tan iyo markii ay ka soo galeen xuduudda dalka ay dariska yihiin ee Mali sannadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM