Cameroon: Dabley weerar gaadmo ah ku khaarijisay saxafi

Image
Dilkan ayaa noqonaya toogashaddii saddexaad ee sanadkan lagu khaarijiyo mid kamid ah howlwadeenadda warbaahinta.

NAIROBI, Kenya - Kooxo hubeysan ayaa goor dambe oo Axad ah wariye ku dilay magaalada Bamenda ee gobolka waqooyi-galbeed ee dalka Cameroon, sida ay sheegeen ururka suxufiyiinta deegaanka.

Dilkan ayaa, sidda ay xaqiijiyeen hay'adaha xuquuqda aadanaha, waxa uu noqonayaa toogashaddii saddexaad ee sanadkan lagu khaarijiyo mid kamid ah howlwadeenadda warbaahinta dalkaasi.

Anye Nde Nsoh ayaa ku sugnaa baar ku yaal xaafadda Ntarikon ee Bamenda markii kooxo aan la aqoonsan ay rasaas ku fureen, sida uu sheegay Melanie Ndefru oo ay wada shaqeeyaan, oo ku dhowaa goobta weerarku ka dhacay.

Nsoh ayaa waxaa lagu waramay in uu ahaa madaxa xafiiska gobolka galbeedka iyo waqooyi-galbeed ee wargeyska caanka ah ee toddobaadlaha ah ee Advocate.

Horraantii sanadkan, labo saxafi ayaa lagu dilay laba weerar oo kala duwan oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Yaounde ama meel u dhow, taasoo keentay in Qaramada Midoobay ay walaac ka muujiso jawiga warbaahinta.

Dhimashada Nsoh ayaa ku soo beegantay xilli ay isku dhaceen mas'uuliyiinta Cameroon iyo qaar ka mid ah kooxaha gooni u goosadka ee gobollada lagaga hadlo Ingiriisiga kuwaas oo rabshado isu beddelay sannadkii 2017-kii.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka u dhaxeeya kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ciidamada dowladda, iyadoo labada dhinac si ba'an loogu eedeeyay in ay geysteen xasuuq ka dhan ah shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM