Cameroon: Dabley weerar gaadmo ah ku khaarijisay saxafi

Image
Dilkan ayaa noqonaya toogashaddii saddexaad ee sanadkan lagu khaarijiyo mid kamid ah howlwadeenadda warbaahinta.

NAIROBI, Kenya - Kooxo hubeysan ayaa goor dambe oo Axad ah wariye ku dilay magaalada Bamenda ee gobolka waqooyi-galbeed ee dalka Cameroon, sida ay sheegeen ururka suxufiyiinta deegaanka.

Dilkan ayaa, sidda ay xaqiijiyeen hay'adaha xuquuqda aadanaha, waxa uu noqonayaa toogashaddii saddexaad ee sanadkan lagu khaarijiyo mid kamid ah howlwadeenadda warbaahinta dalkaasi.

Anye Nde Nsoh ayaa ku sugnaa baar ku yaal xaafadda Ntarikon ee Bamenda markii kooxo aan la aqoonsan ay rasaas ku fureen, sida uu sheegay Melanie Ndefru oo ay wada shaqeeyaan, oo ku dhowaa goobta weerarku ka dhacay.

Nsoh ayaa waxaa lagu waramay in uu ahaa madaxa xafiiska gobolka galbeedka iyo waqooyi-galbeed ee wargeyska caanka ah ee toddobaadlaha ah ee Advocate.

Horraantii sanadkan, labo saxafi ayaa lagu dilay laba weerar oo kala duwan oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Yaounde ama meel u dhow, taasoo keentay in Qaramada Midoobay ay walaac ka muujiso jawiga warbaahinta.

Dhimashada Nsoh ayaa ku soo beegantay xilli ay isku dhaceen mas'uuliyiinta Cameroon iyo qaar ka mid ah kooxaha gooni u goosadka ee gobollada lagaga hadlo Ingiriisiga kuwaas oo rabshado isu beddelay sannadkii 2017-kii.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka u dhaxeeya kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ciidamada dowladda, iyadoo labada dhinac si ba'an loogu eedeeyay in ay geysteen xasuuq ka dhan ah shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM