Carruur iyo hooyo Xaamilo ah oo ku dhintay si buurasho ka dhacay Liberia

Image

LIBERIA - Sodomeeyo qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob macbad ku yaalla duleedka caasimadda Liberia, sida ay saraakiishu sheegeen maanta oo khamiis ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in masiibada oo dhacday xilli habeenimo ah ay ka dhacday isu imaatin lagu qabtay garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla magaalada New Kru, oo waqooyiga ka xigta Monrovia.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay is buurashada dhimashada sababtay.

Afhayeen u hadlay booliska Moses Carter ayaa sheegay in ugu yaraan 29 qof ay ku dhinteen masiibadan balse ay dhimashadu tahay mid ku meel gaar ah lagana yaabo in ay korodho.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee dalka ayaa isna sheegay tirada dhimashada oo la mid ah mida booliska.

"Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in 29 qof ay dhinteen qaarna ay ku jiraan liiska halista ah," Jalawah Tonpo ayaa sidaas yiri, isagoo ka soo wacaya raadiyaha dowladda ee isbitaal u dhow. "Tani waa maalin murugo u ah dalka," ayuu raaciyay Tonpo.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in carruur ay ka mid ahaayeen kuwii lagu dilay isku imaatinkii salaadda Kiristaanka, ee Liberia looga yaqaanay "Saliibiga".

Madaxweyne George Weah ayaa la filayaa inuu booqdo goobta galabnimada Khamiista, sida uu sheegay xafiiskiisa warfaafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM