Cawaad Haashim: Nin dalkiisa u duceeyay oo la dilay

Image
Arinta walaaca gaarka ah abuurtay ayaa ah inuu ducadiisa kusoo daray in ilaahay dabar gooyo kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

KHARTUUM, Suudaan - Ninkaan dhalinyarada ah oo ahaa mid la nool xanuuno nafsi ah ayaa ku noolaa oo ay hoy ahaayeen jidadka magaalada caasimada dalka Suudaan ah ee Khartoum.

Cawaad Haashim ayaa dhawaan kooxo aan la aqoonsan ilaa hadda waxaa ay ku toogteen mid kamid ah jidadka caasimada iyada oo Baraha Bulshada la wareejiya isaga oo kartoon dusha laga saaray isla markaana dhulka jiifa.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaalo muujinaya isaga oo dalkiisa u ducaynaya in ilaahay amni kusoo celiyo.

Arinta walaaca gaarka ah abuurtay ayaa ah inuu ducadiisa kusoo daray in ilaahay dabar gooyo kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Qur'aanka kariimka ah ayuu xafidsanaa sida la wariyay isaga oo muuqaalada la wareejiyay ay ku jiraan kuwo uu ka akhrinayo dusha.

Duugtiisa waxaa ka qayb galay taliyaha ciidamada Taangiyada ee dalka Suudaan, Nasrudiin Cabdulfataax iyada oo dadku ay u ducaynayaan iyaga oo codsanaya in loogu abaal gudo jacaylkii uu dalkiisa u muujiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM