Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF
Khartuum, Suudaan — Guddoomiyaha gobolka Darfur ee Suudaan, Minni Arko Minnawi, ayaa sheegay in ciidamada Suudaan iyo xoogagga xulafada la ah ay la wareegeen magaalada Bara iyo saddex deegaan oo kale oo ku yaalla gobolka Waqooyiga Kordofan, kaddib howlgallo milatari oo ka dhan ah Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).
Minnawi ayaa qoraal uu Sabtidii ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in ciidamada dowladda, Ciidamada Wadajirka ah iyo maleeshiyaadka loo yaqaan "Resistance Forces" ay gacanta ku dhigeen Bara, Umm Garfa, Umm Sayala iyo Jabra Al-Sheikh.
“Waxa maanta la gaaray ma ahan dhammaadka dagaalka, balse waa bilowga marxalad cusub oo tallaabooyin go’aan adag leh,” ayuu yiri Minnawi.
Wuxuu sheegay in ciidamada ay khasaare xooggan gaarsiiyeen RSF, oo ay ka burburiyeen gaadiid iyo qalab militari intii lagu guda jiray howlgallo uu ku tilmaamay kuwo si qorsheysan loo fuliyay.
Horay maalintii Sabtida, ilo militari ayaa wakaaladda Anadolu u sheegay in ciidamada Suudaan iyo xulafadooda ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Umm Sayala, oo ku dhow Bara, kaddib dagaallo ay la galeen RSF, kuwaas oo sababay khasaare xooggan oo soo gaaray kooxda hubeysan.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala, iyadoo la arkayay gaadiid militari oo RSF ah oo burburay, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin muuqaalladaas.
Ilaa hadda, ciidamada Suudaan iyo RSF midkoodna si rasmi ah ugama hadlin sheegashada Minnawi ama horumarka dhuleed ee la sheegay.
Horumarradan ayaa yimid maalin kaddib markii mas’uuliyiinta Suudaan ay sheegeen in ciidamadu dib ula wareegeen deegaanka Burbur ee koonfurta magaalada El-Obeid, kaddib weerar ay RSF ku qaadday halkaas oo lagu dilay 15 qof oo rayid ah, halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen.
Gobolka Waqooyiga Kordofan ayaa bilihii la soo dhaafay noqday goob ay ka socdaan dagaallo culus, iyadoo magaalada El-Obeid ay wajahday weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo ay RSF ku beegsatay xarunta korontada, bakhaarrada shidaalka iyo goobo kale oo rayid ah.
Suudaan ayaa gashay sannadkii afraad ee dagaal sokeeye bishii Abriil. Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), oo uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), oo uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaan Xamidti.
SAF waa ciidanka rasmiga ah ee dalka, halka RSF ay ka soo farcantay kooxihii hubeysnaa ee loo yaqaanay Janjaweed, kuwaas oo caan ku ahaa xadgudubyo iyo tacaddiyo ka dhacay dagaalkii Darfur sannadihii 2000-meeyadii.
Hay’adaha gargaarka iyo dad goob-joogayaal ah ayaa hore u soo sheegay dilal ballaaran, gaajo iyo weerarro nidaamsan oo ka dhan ah shacabka oo loo aaneynayo RSF.
GAROWE ONLINE