Ciidamo xoogan oo la midoobay Xoogaga Dacm-Sariic ee Sudan

Image
Image
Image
Image

KHARTUUM, Sudan - Ciidamada "Darc-Al Suudaan" oo xoogag ka dhisan gobalada dhexe ee dalkaasi Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay la midoobeen oo ay ku saf yihiin ciidamada "Dacm-Sariic" iyo gaar ahaan hogaamiyahooda, Maxamed Xamdaan Ximaydti.

Caaqilata Keykal oo ah Sarkaal sare oo hawlgab ciidamada Suudaan ah isla markaana ah taliyaha ciidamada ayaa isaga oo ku labisan tuutaha "Dacm-Sariic" waxaa uu ku dhawaaqay in ay la galeen "Bayco" hogaamiyaha xoogaga "Dacm-Sariic".

Ciidamadan oo lagu qiyaaso ugu yaraan in ka badan 20 kun oo askari ayaa la saadaalinayaa in ay cudud hor leh ku biirin doonaan safka Ximaydti.

Dagaalada Suudaan ayaa sii balaaranaya iyada oo laga digayo in ay isu badasho colaadu dagaal sokeeye oo Beelo iyo isir sifayn isu bedela taasi oo haatan gobalka Daarfuur laga diiwaan geliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM