"Ciidanka Kenya waxay isku qariyeen Cawska kadib weerarka Manda"

Image

NAIROBI, Kenya – Jaraa'idka afka dheer ee New York Times kana soo baxa waddanka Mareykanka ayaa baahiyey warbixin lagu tilmaamay mid "fadeexad ku noqon karta ciidamadda Kenya".

Qormada oo lagu soo xigtay saraakiil sar-sarre oo Ameerikaan ah ayaa waxaa diirada lagu saarey weerarkii Al-Shabaab ee xerada Manda Bay, 5-tii Janaayo ee sanadkan 2020-ka.

Saraakiisha oo magacyadooda la qariyey ayaa kamid ah koox loo saarey baaritaanka duulaankaas khasaaraha badan dhaliyey.

Sidda ku xusan faaladda, ciidamada difaaca Kenya ayaa "ku dhuuntay" Cawska intii ay socotay is-rasaaseynta dableyda iyo askarta.

Maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo ku jarmaadey xerada ayaa sheegtay in ay gubeen diyaarado iyo gaadiid ciidan.

"Markii dagaalameyaasha ay howlgalkooda bilaabeen, ciidamada Kenya ayaa kala firxadey iyagoo isku qariyey Cawska halkaasna ka daawanayey, halkii ay difaaci lahaayeen," ayuu NYT yiri.

Milatariga Mareykanka ayaa aad uga carooday hab-dhaqanka "foosha xun" oo ay muujiyeen ciidamada Kenya, sidda uu ka dhawaajiyey joornaalka oo kamida kuwa ugu caansan caalamka.

Dhanka kale, taliska ciidamada difaaca Kenya oo ka falceliyey eedeyntaan ayaa ku tilmaamay "mid gebi ahaanba ka fog xaqiiqada".

"Baaritaan ayaa ku socda sidda ay wax uga dhaceen saldhiga, waana lasoo bandhigi doonaa iyaddoo dhameystiran," ayuu yiri Paul Njuguna, oo ah afhayeenka Ciidamadda Kenya.

Saddex Ameerikaan ah – hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah – ayaa lagu dilay weerarka oo kusoo beegmay iyaddoo Mareykanka oo heegan geliyey ciidamadiisa kadib dilkii Qaasim Suleymaani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM