Coronavirus oo qofkii ugu horeeyay ku dilay dalka Jabuuti

Image

DJIBOUTI, Jabuuti – Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti oo Khamiista maanta ah war-saxaafadeed soo saartey ayaa ku dhawaaqdey in ay diiwaan-gelisay qofkii ugu horeeyay oo Coronavirus ugu dhintay dalkaas.

Bayaanka oo warbaahinta u hadasha dowladda ay faafisay ayaa waxaa nan lagu bixin fahfaahin buuxda oo ku saabsan bukaanka.

Dhanka kale, warka qoraalka ah ayaa waxaa lagu caddeeyay tiradda kiisaska ay marayeen 140 [boqol iyo afar], oo ay ku jiraan ajaaniib.

Warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda ayaa intaas ku dartay in illaa iyo haatan ay cudurka kasoo kabteen ku dhowaad 30 [soddon] ruux.

In ka badan saddex kun [saddex kun] oo shaqsi ayaa laga baarey, kuwaas oo qeybtooda la filayo in ay maalmaha soo aadan soo baxdo natiijadooda.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa shaaca ka dhigtay in kiisaska Corona ee Afrika ay u baahan yihiin hubin dheeraad ah.

Xanuunka Covid-19 oo bishii December ee sanadkii hore 2019 kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha wadanka China ayaa ku dhacay 1.5 milyan oo ruux, iyaddoo uu dilay dad kor-u-dhaafaya 90-kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM