Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Image

Guba, Itoobiya – Dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuca biyo-xireenka ugu weyn qaaradda Afrika, Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), xaflad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Guba 9-kii Sebteembar 2025. Munaasabaddan oo lagu xusay sanadka cusub ee dalka Itoobiya ayaa sidoo kale isu beddeshay fagaare ay ku muujinayso awood goboleed, iyadoo hoggaamiyeyaal dhowr ah oo deris ah ay goob joog ka ahaayeen munaasabadaas.

Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan ayaa ka mid ahaa madaxda ka soo qeyb galay. Joogitaanka waddamadaas, gaar ahaan Kenya oo horey u daneyneysay in ay hesho koronto ka timaada Itoobiya, ayaa muujinaysa in baahida loo qabo GERD loo arko mid ka baxsan danaha Itoobiya oo keliya, balse muhiim u noqon karta isku xirka korontada Bariga Afrika.

Kaalinta Suudaanta Koonfureed ayaa iyadana xusid mudan, iyadoo Juba ay u soo bandhigtay in mashruucan yahay mid Afrikaanku ku tiirsanaan doono, isla markaana ay muujisay rabitaan in ay ku iibsato koronto si loo taageero baahida gudaha ee tamarta.

Si kastaba ha ahaatee, xafladda waxaa dibedda ka daawanayey Masar oo mar kale ku celisay in mashruuca GERD khatar weyn ku yahay danaha biyaha ee Qahira haddii aan la gaarin heshiis sharci ah oo saddex geesood ah (Itoobiya, Suudaan iyo Masar) kaas oo nidaamin doona buuxinta iyo maareynta biyo-xireenka. Taasi waxay xasuusinaysaa in xiisadda siyaasadeed ee damku weli taagan tahay inkasta oo la furay.

Su’aasha ugu weyn ayaa ah: ma ku laabanaysaa Itoobiya kaalintii hoggaamineed ee gobolka? Furitaanka mashruuca wuxuu Itoobiya siinayaa awood cusub oo ku saabsan tamarta – awoodda ay ku qiimeyso, ku xakameyso ama ku taageerto dalalka deriska ah. Waxay sidoo kale kor u qaadeysaa sawirka gudaha iyo dibedda ee Addis Ababa oo loo arkayo dal dhisaya mustaqbalka inkasta oo ay weli jiraan dagaallo qowmiyadeed iyo caqabado siyaasadeed.

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro ayaa xeeldheerayaashu ku sheegayaan iney yihiin: in heshiis saddex geesood ah la gaaro si Masar aysan u sii wadin cadaadiska caalamiga ah iyo ololaha siyaasadeed, iyo in laga wada shaqeeyo habka shaqo ee biyo-xireenka. Itoobiya waa inay muujisaa in biyaha si hufan oo la saadaalin karo loo sii dayn karo xilliyada abaaraha, si aysan u lumin kalsoonida deriska iyo suuqyada tamarta.

Marka laga hadlayo Soomaaliya iyo ka qayb-galkeedii furitaanka biyo-xireenkan, falanqeeyayaasha siyaasadda Geeska Afrika waxay sheegeen in ay dhabar-jab ku ahayd dalka Masar. Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu cadaadis ba’an kala kulmay Madaxweynaha Jabuuti si uu uga qayb galo munaasabadda furitaanka GERD. Xasan Sheekh oo xiriir dhow la lahaa dalka Masar mudooyinkii ugu dambeeyey – taasoo keentay in laga wada hadlo ciidamo Masar ka socda oo la keeno Muqdisho – ayaa qorshahaas loo arkay mid uu curyaamiyey ka qeyb-galkiisa.

Xogaha ayaa sidoo kale sheegaya in qorshaha ka qayb-galka xafladdan oo guul u ahayd Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhinaca kale dhabar-jab ku noqday Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya, Mahad Salaad, oo lagu xanto inuu gacansaar dhow la leeyahay sirdoonka dalka Masar.

Ugu dambeyn, daahfurka GERD wuxuu u calaamad u yahay in Itoobiya dib u hanatay qayb muhiim ah oo ka mid ah awoodda gobolka, iyadoo tamarta iyo kaabeyaasha waaweyn ay noqdeen agab siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, imtixaanka dhabta ahi wuxuu noqon doonaa sida ay Itoobiya u maareyso damka iyo sida ay u dhisato heshiisyo waara oo derisnimo iyo ganacsi.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM