Dabley loo maleynayo Al-Shabaab oo dilay askar Kenyan ah

Image
Weerarkan oo ku bilowdey baasuuke ayaa laga soo wariyey meel ku dhow xadka Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Dabley aan heybtooda si weyn loo aqoonsan ayaa abaare 10:00 Jimcihii shalay June 2, 2023 ku dilay degmada Mandheera ugu yaraan labo askari oo booliis ah, tiro kalena way ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ayaa ku waramaya in kooxda weerarka soo qaaday ay beegsadeen ciidamo roondo ah oo ku sugnaa wadada isku xirta Lelele iyo Takaba iyaga oo adeegsanaya qoriga baasuukaha.

Inkastoo aysan jirin cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, haddana waxaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay u badan tahay inay fuliyeen weerarka.

"Maalmaha soo socda waxaan xoojin doonaa dhaqdhaqaaqyadda xuduudka si aan uga hortagno weerarada ay fulinayaan kooxaha araggxisiadda ah," ayaa laga soo xigtey sarkaal sarreoo dhanka ammaanka ah.

"Khatarta ugu badan ee kooxaha xagjirka ah ayaa ah kuwa ugu badan ee ka dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan Lamu, Garissa, Wajeer, iyo Mandheera," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Al-Shabaab ayaa sida caadiga ah beegsata muwaadiniinta ajnabiga ah, laamaha ammaanka iyo gaadiidka la aaminsan yahay in ay la socdaan howlwadeenadda dowladda Kenya.

"Xeeladaha caadiga ah ee ay adeegsadaan mintidiinta Al-Shabaab waxaa ka mid ah is-miidaamin, weerarro hubeysan, weerarro bam-gacmeed, afduub, weerarro lagu qaado rayidka, iyo weerarrada lagu qaado maraakiibta badda ee mara dekedaha Kenya iyo kuwa u dhow," ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka.

Weerarkan u dambeeyay ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay dib u furaan xuduudaha taasoo kor u qaadeysa isu-socodka lagana yaabo in ay ku dusaan argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM