Dacwad urur u dooda Muslimiinta ka gudbiyey Kenya oo xukun lagu riday

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamadda Sarre ee Kenya ayaa xukun kama dambeys ah waxay kasoo saartey dacwad u dhaxeysay dowladda iyo urur u dooda xuquuqda Muslimiinta oo lala xiriiriyey Al-Shabaab.

Kiiska ka dhanka ah Muslim for Human Rights [MUHURI] ayaa si rasmi ah u soo shaac-baxday kadib weerarkii 2015-kii Jaamacadda Garrisa, oo ay Al-Shabaab ku dishay boqolaal arday aan wax galabsan.

Mas'uuliyiita ayaa MUHURI ku eedeeyay in ay taageero dhaqaalo siiyaan xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Eedeymahaas waa ay iska fogeeyeen wadaadada majaraha u haysa MUHURI, waxayna ku qeexeen kuwa sumcad dil ah.

Ururka ayaa 13-bilood kadib wuxuu dacwad ka gudbiyey dowladda Kenya, isaga oo xeer-beegtada waydiistay magdhow lacageed.

Sidda ku xusan qoraalkooda, lacagta ay codsadeen ayaa waxay gaareysaa aduun lacageed 3,651 oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Garsooreyaasha maxkamadda sarre oo go'aan kasoo saarey kiiskan ayaa meesha ka saarey in ururkan xiriir la leeyahay dagaalameyaasha fadhigoodu yahay Soomaaliya dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Si lamid ah, garsooreyaasha ayaa ganafka ku dhuftay magdhowga lacageed, iyaga oo coksaday in uu soo daahey codsiga oo ay sheegeen in loo baahnaa in lagu soo gudbiyo 12-bilood gudaheeda.

Kenya ayaa tan iyo markii ciidamadeeda ay sanadkii 2011-kii soo galeen Soomaaliya waxay la daalaadhaceysay weeraro kaga yimaada ururka Al-Shabaab oo beegsada askarta iyo goobaha caanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM