Dad badan oo ku nafwaayey qarax ka dhacay dalka Ghana

Image
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in 500 oo dhismo ay ku burbureen qaraxan aadka u waynaa.

ACCRA, Ghana - Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen galbeedka Ghana kadib markii gaari laga soo buuxiyay walxo macdan ah, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Saraakiisha Ghana ayaa sheegay in boqolaal guri ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa. Booliska ayaa sheegay in baaritaan horudhac ah oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in gaari laga soo buuxiyay macdan uu ku dhacay mooto.

Tani waxay keentay in qarax uu ka dhacay Bogoso-Appiatse, oo ah tuulo 300 oo KM dhanka galbeed kaga beegan Accra. Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in 500 oo dhismo ay ku burbureen qaraxa, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan 500 oo qof.

Booliisku waxay sheegeen in 13-ka qof ee dhintay, ay qaraxa ku dhaawacmeen 179 qof, iyadoo ugu yaraan 45 ay xaaladoodu liidato. Warbixintii ugu horeysay ee bilayska ayaa lagu sheegay in dhimashadu ay marayso 17 qof.

Madaxa golaha deegaanka ee dawlada hoose Isaac Dasmani, ayaa u sheegay warfidiyeenka in Appiatse ay hadda ku dhowdahay magaalo meydad ah iyada oo ay socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka.

Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, iyo hoggaamiyaha mucaaradka John Mahama ayaa hadallo kala duwan oo ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay inay tacsi u dirayaan, iyagoo ku sifeeyay dhacdadan inay tahay maalin murugo leh oo ka dhacday Ghana.

Mas'uuliyiinta ayaa la filayaa in ay bilaabaan baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay qaraxa, waxaana ay ku talinayaan in la qaado tallaabooyin looga hortagayo in mar kale soo laabato mustaqbalka dhacdo noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM