Dad horleh oo ku geeriyoodey mudaaharaadyadda gilgilay Kenya

Image
Toddobaadkii hore, ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyada - 10 kamid ah waxaa toogtay booliiska.

NAIROBI, Kenya - Laba qof ayaa lagu dilay Arbacadii iska hor imaad u dhaxeeyay booliska iyo dad mudaaharaadayay magaalada Kisimu ee dalka Kenya, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa sidoo kale lagu tuuray dad isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada xeebta ah ee Mombassa kuwaasoo ka cabanayay maciishada oo qaali ah.

Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii la toogtay iyadoo booliisku ay la dagaalameen dibad baxayaasha.

Kenya ayaa xirtay iskuullada ku yaalla labada magaalo ee ugu waaweyn dalkaas, iyadoo mudaaharaad saddex maalmood socday oo ka hortagaya booliiska.

Goobo ganacsi oo badan ayaa u xiran cabsi laga qabo in la bililiqeysto, iyadoo dadku ay ka baqayaan in ay ku dhacaan iska horimaadyo rabshado wata.

Toddobaadkii hore, ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyada - 10 kamid ah waxaa toogtay booliiska.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa si kulul u dhaleeceeyay booliiska waxa ay ugu yeereen awoodooda xad dhaafka ah Arbacadii lasoo dhaafay ay adeegsadeen.

In ka badan 50 caruur ah ayaa la dhigay isbitaalka kadib markii sunta dadka ka ilmeysiisa lagu soo dhex galey fasalkii ay wax ku baranayeen oo ku yaala magaalada Nairobi.

Mucaaradka ayaa ku baaqay dibadbaxyo isdaba joog ah ka dib canshuur kordhin ay bishii lasoo dhaafay soo bandhigtay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne William Ruto oo difaacay go'aankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM