Dad horleh oo ku geeriyoodey mudaaharaadyadda gilgilay Kenya

Image
Toddobaadkii hore, ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyada - 10 kamid ah waxaa toogtay booliiska.

NAIROBI, Kenya - Laba qof ayaa lagu dilay Arbacadii iska hor imaad u dhaxeeyay booliska iyo dad mudaaharaadayay magaalada Kisimu ee dalka Kenya, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa sidoo kale lagu tuuray dad isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada xeebta ah ee Mombassa kuwaasoo ka cabanayay maciishada oo qaali ah.

Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii la toogtay iyadoo booliisku ay la dagaalameen dibad baxayaasha.

Kenya ayaa xirtay iskuullada ku yaalla labada magaalo ee ugu waaweyn dalkaas, iyadoo mudaaharaad saddex maalmood socday oo ka hortagaya booliiska.

Goobo ganacsi oo badan ayaa u xiran cabsi laga qabo in la bililiqeysto, iyadoo dadku ay ka baqayaan in ay ku dhacaan iska horimaadyo rabshado wata.

Toddobaadkii hore, ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyada - 10 kamid ah waxaa toogtay booliiska.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa si kulul u dhaleeceeyay booliiska waxa ay ugu yeereen awoodooda xad dhaafka ah Arbacadii lasoo dhaafay ay adeegsadeen.

In ka badan 50 caruur ah ayaa la dhigay isbitaalka kadib markii sunta dadka ka ilmeysiisa lagu soo dhex galey fasalkii ay wax ku baranayeen oo ku yaala magaalada Nairobi.

Mucaaradka ayaa ku baaqay dibadbaxyo isdaba joog ah ka dib canshuur kordhin ay bishii lasoo dhaafay soo bandhigtay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne William Ruto oo difaacay go'aankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM