Dad ku dhintey isbuurasho ka dhacdey garoon ku yaalla Benin

Image
Ciyaartan ayaa waxay ka tirsaneyd ka tirsanayd isreeb-reebka koobka qaramada Afrika ee bisha January 2024.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka koobka qaramada Afrika ee bisha January 2024 ka dhacaya magaalada Cotonou ee dalka Benin.

Musiibadan ayaa dhacday Sabtidii xilli ay xulalka Benin iyo Senegal ay ku ciyaarayeen garoonka Stade du General Mathieu Kerekou, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah iyo telefishanka Faransiiska ee RFI.

Daqiiqado ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta, dareenka dadweynaha ayaa ka wareegay ciyaartoyda kubbadda cagta oo u dhaqaaqay dhanka tarabuunka garoonka taasoo ay ugu wacneyd taageerayaasha oo fara badan.

Dadkii ku sugnaa albaabka ayaa isku dayay inay xoog ku soo galaan, taasoo keentay in ay isku dhacaan dad kale oo horey usoo galay, sida uu goobjooge u sheegay Sport Africa News.

Axadii, wasiirka ciyaaraha ee Benin wuxuu soo meel isugu keenay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhacdada, laga soo bilaabo qabanqaabiyeyaasha ilaa saraakiisha amniga, si loo fahmo waxa sababay dhacdada dhimashada leh, sidda ay warisay RFI.

Dhammaan ciyaaraha xulka qaranka Benin, gelitaanka waa bilaash ama lacag la'aan laakiin waxaa laga maarmaan ah in ciyaarta ay bilaabato si looga soo galo albaabbada goobta.

Sida laga soo xigtay Sport Africa News, dowladda Benin ayaa ku dhawaaqday 48 saacadood ka hor munaasabadda in dadku ay tigidhada ka goosan karaan sagaal goobood oo lagu qaybinayey kuwaas oo ugu dambeyntii laga adkaaday.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah ka dib markii uu daqiiqadii 78aad gool u dhaliyay Benin Abdoul Rachid Mumuini taas oo meesha ka saartey goolkii furitaanka ee uu dhaliyay daafaca Senegal Abdoulaye Seck qeybtii hore ee ciyaarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM