Dagaal culus oo ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa sheegay in 20 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab la dilay Arbacadii shalay kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen cutubyo ka tirsan Kooxda Howlgallada Gaarka ah oo fariisin ku leh deegaanka Ogorwen.

War qoraal ah oo uu maanta soo saaray, ayuu Boliska ku sheegay in siddeed ka mid ah saraakiishooda lagu dhaawacay weerarka.

Sida laga soo xigtay Boliska Kenya, koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday xerada, balse waxaa meesha ka saaray saraakiill ciidan oo xilligaas roondo ku jiray.

Baaritaanno horudhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in rasaas xooggan oo ay isweydaarsadeen askartii iyo kooxda weerarka soo qadday, ay sababtay in malleeshiyaadka ay ka cararaan 20 ka mid ah oo soo gaaray dhaawac culus.

Weerarka kadib Boliska Kenya ayaa ku guuleystey in uu hub fara badan ka furto argagixisada.

Ciidanka Booliska ayaa ku ammaanay saraakiisha ammaanka sida degdegga ah oo ay usoo afjareen weerarka, iyagoo xaqiijiyey inay ka go’an tahay in nabadda dib loogu soo celiyo goobihii ay dhibaatadu ka dhacday.

Weerarka ayaa imaanaya xili shalay Kenya ku dhawaaqday inay dib u dhigtay furista xadka Soomaaliya bishan kadib markii ay kusoo kordheen weerarada Al-Shabaab tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Al-Shabaab ayaa illaa 12 weerar ka fulisay gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya, gaar ahaan meelaha ku dhaw Mandheera, Garissa iyo Lamu, waxaana ay ku dishay in ka badan 20 askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM