Dagaal culus oo ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa sheegay in 20 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab la dilay Arbacadii shalay kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen cutubyo ka tirsan Kooxda Howlgallada Gaarka ah oo fariisin ku leh deegaanka Ogorwen.

War qoraal ah oo uu maanta soo saaray, ayuu Boliska ku sheegay in siddeed ka mid ah saraakiishooda lagu dhaawacay weerarka.

Sida laga soo xigtay Boliska Kenya, koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday xerada, balse waxaa meesha ka saaray saraakiill ciidan oo xilligaas roondo ku jiray.

Baaritaanno horudhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in rasaas xooggan oo ay isweydaarsadeen askartii iyo kooxda weerarka soo qadday, ay sababtay in malleeshiyaadka ay ka cararaan 20 ka mid ah oo soo gaaray dhaawac culus.

Weerarka kadib Boliska Kenya ayaa ku guuleystey in uu hub fara badan ka furto argagixisada.

Ciidanka Booliska ayaa ku ammaanay saraakiisha ammaanka sida degdegga ah oo ay usoo afjareen weerarka, iyagoo xaqiijiyey inay ka go’an tahay in nabadda dib loogu soo celiyo goobihii ay dhibaatadu ka dhacday.

Weerarka ayaa imaanaya xili shalay Kenya ku dhawaaqday inay dib u dhigtay furista xadka Soomaaliya bishan kadib markii ay kusoo kordheen weerarada Al-Shabaab tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Al-Shabaab ayaa illaa 12 weerar ka fulisay gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya, gaar ahaan meelaha ku dhaw Mandheera, Garissa iyo Lamu, waxaana ay ku dishay in ka badan 20 askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM