Dagaal dhexmaray xoolo dhaqato iyo beeraley oo dilay 10 qof

Image
Xiisadahan ayaa taariikh ahaan salka ku haya loollanka dhulka gaar ahaan meelaha ku wanaagsan daaqsinka.

NAIROBI, Kenya - Isku dhacyo u dhexeeya xoolo-dhaqato iyo beeraley ayaa ugu yaraan 10 qof waxa uu ku dilay koonfurta Chad, ayuu guddoomiye maxalli ah u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Koonfurta Chad oo gobol ay si joogto ah uga dhacaan rabshado noocan oo kale ah ayaa qulqulatooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxay dhaceen Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay.

Dagaalkan ayaa yimid markii nin 12 jir ah oo xoolo dhaqato ah uu xoolihiisii ​​geeyay beerta lawska ee beeraleyda, taasoo keentay gacan ka hadal uu ku dhintay cunugga.

Adoum Foreye Amadou, oo ah guddoomiyaha gobolka Madoul, ayaa u sheegay AFP. telefoonka Sabtidii in xiisadda aysan wali dhamaan isla markaana dagaal la filan karo xilli aksta.

"Waalidkii ayaa markaas dilay sagaal beeraley ah si ay uga aargoostaan," ayuu yiri Amadou, isagoo intaa ku daray in shilkan uu ka dhacay meel u dhow tuulada Bara II, oo 600 oo kilomitir koonfur bari ka xigta caasimadda N'Djamena.

Amadou oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray: "Shan nin oo xoolo dhaqato ah, oo ahaa kuwii amray dilka, ayaa la xiray, sidoo kale gacan ku dhiiglihii dilka geystay waa la hayaa".

Degaannada soohdinta wadaaga ee Chad, Cameroon iyo Central African Republic waxaa ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeyay xoolo dhaqato reer guuraa ah iyo beeraley fadhiid ah.

Xiisadahan ayaa taariikh ahaan salka ku haya loollanka dhulka gaar ahaan meelaha ku wanaagsan daaqsinka xoolaha oo inta badan ay xoola dhaqada ay isku-dayaan in ay gacanta ku dhigaan.

Beeraleyda ayaa inta badan ku eedeeya in ay xoolahooda geliyaan dhulka dalagyada leh, halka xoola dhaqatada ay sheegeen in ay dhaqan ahaan u leeyihiin aaggaas ayna tahay in looga dambeeyo maamulkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM