Dagaalka Sudan oo galay maalintii 100aad

Image

KHARTOUM, Sudan - Isku dhacyada u dhaxeeya Ciidanka Xooga Dalka ee Sudan iyo maleeshyaadka Gurmadka Degdega ah ayaa galay maalintii 100aad, iyadoo fashil ku yimid  isku daygii dhex dhexaadinta ee xal loogu raadinayey xiisadda. Ciidanka Sudan ayaa sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku hayaan xayndaabka taliska guud ee Khartuum.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeeyeen Bartilmaameedyada xoogaga Gurmadka Degdegga ah ee ku sugan Koofurta iyo Bariga Khartuum, waxa ayna xaqiijiyeen in Ciidamadooda ay maamulayeen Waddada “Niil” iyo agagaarka Taliska Guud ee Caasimadda.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa waxay shalay soo bandhigeen muuqaalo iyaga oo ku jir howlgalo balaaran oo ay ka sameeyeen agagaarka Taliska Guud.

Tiro ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay howl galka socda ayaa tilmaamay in ay dhowr mitir u jiraan madaxtooyada, isla markaana ay u diyaar garoobeen sidii ay u weerari lahaayeen, iyaga oo sheegay in taas ay waqti badan qaadan doonin.

Waxaa xusid mudan in xarunta madaxtooyada ay gacanta uga jirto xoogaga gurmadka Degdega ah tan iyo markii uu bilawday dagaalka bartamihii bishii April.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Sudan ayaa warbaahinta u sheegay in Maleeshiyada Gurmadka Degdega ah ay weerareen fariisamo ciidanka Sudan ay ku lahaayeen xaafadda “Al-Waadi” ee Omdurman, iyaga oo dhaawacay tiro askar ah.

Warku waxa uu intaa ku daray in diyaaradaha Dagaalka ay ka jawaabeen Weerarkaasi, iyaga Duqeeyeen Bartilmaameedyo ay Maleeshiyada Grumadka Degdegga ah ku leeyihiin Xaafadda “Bari” ee Bariga Khartuum.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM