Dagaalka Sudan oo galay maalintii 100aad

Image

KHARTOUM, Sudan - Isku dhacyada u dhaxeeya Ciidanka Xooga Dalka ee Sudan iyo maleeshyaadka Gurmadka Degdega ah ayaa galay maalintii 100aad, iyadoo fashil ku yimid  isku daygii dhex dhexaadinta ee xal loogu raadinayey xiisadda. Ciidanka Sudan ayaa sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku hayaan xayndaabka taliska guud ee Khartuum.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeeyeen Bartilmaameedyada xoogaga Gurmadka Degdegga ah ee ku sugan Koofurta iyo Bariga Khartuum, waxa ayna xaqiijiyeen in Ciidamadooda ay maamulayeen Waddada “Niil” iyo agagaarka Taliska Guud ee Caasimadda.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa waxay shalay soo bandhigeen muuqaalo iyaga oo ku jir howlgalo balaaran oo ay ka sameeyeen agagaarka Taliska Guud.

Tiro ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay howl galka socda ayaa tilmaamay in ay dhowr mitir u jiraan madaxtooyada, isla markaana ay u diyaar garoobeen sidii ay u weerari lahaayeen, iyaga oo sheegay in taas ay waqti badan qaadan doonin.

Waxaa xusid mudan in xarunta madaxtooyada ay gacanta uga jirto xoogaga gurmadka Degdega ah tan iyo markii uu bilawday dagaalka bartamihii bishii April.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Sudan ayaa warbaahinta u sheegay in Maleeshiyada Gurmadka Degdega ah ay weerareen fariisamo ciidanka Sudan ay ku lahaayeen xaafadda “Al-Waadi” ee Omdurman, iyaga oo dhaawacay tiro askar ah.

Warku waxa uu intaa ku daray in diyaaradaha Dagaalka ay ka jawaabeen Weerarkaasi, iyaga Duqeeyeen Bartilmaameedyo ay Maleeshiyada Grumadka Degdegga ah ku leeyihiin Xaafadda “Bari” ee Bariga Khartuum.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM