Dalab ka dhan ah ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya oo la gudbiyey

Image

NAIROBI, Kenya – Isbaheysiga Thirdway ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in baarlamamaanka Kenya uu meelmariyey sharci xeerinaya in ciidamadda dalkaas ka jooga Soomaaliya lasoo saaro si ay ula tacaalaan Covid-19.

Siyaasiga Ekuru Aukot ayaa hogaamiya isbaheysiga, kaasoo Isniintii, 30-ka Maaj sanadkan 2020, u gudbiyey baarlamaanka codsi ku aadan talaabooyin horleh oo wadankaas kula dagaalamayo Coronavirus.

Talaabooyinka ayay soo jeediyeen in lagu daro qorsheyaasha maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta uga jawaabayo fayruska.

Sidda ku xusan dalabkooda, qodobada ay miiska saareen waxaa kamid ah in dib loogu yeero ciidamada Kenya ee kamid ah howlgalka AMISOM si ay u ilaaliyaan Isbitaalada lagu daaweynayo bukaanada cudurka faafa.

Sidoo kale, waxay ku baaqeen in wadahadalada ay Kenya ciidankeeda ugala baxayso Soomaaliya lagu daro qodob sheegay in Midowga Afrika uu hada kadib u diro Soomaaliya ciidamada dalalka aan xuduudka la lahayn.

Xisbiga ayaa ku doodey in soo celinta ciidamada ay dib-u-heleyso 20 bilyan oo lacagta Kenya ah, taas oo haatan uga baxda howlaha askarta.

Lacagtaas waxay xuseen in qeyb ay ka noqon karto ololaha lagula tacaalayo xanuunka safmarka ah, kaasoo soo ritay in ka badan 80 qof oo ku sugan gudaha Kenya isla markaana ay u dhinteen laba ruux.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay Soomaaliya sanadkii 2011-kii si ay nabad-gelyadda dalkooda uga difaacaan mitidiinta Al-Shabaab.

Siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah dadweynaha Kenya ayaa tan iyo xiligaas waday olole ay ku doonayaan in ciidamadooda looga saaro Soomaaliya kadib markii ay Shabaab gudaha dalkaas ka fulisay weeraro galaaftay dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM