Dalab la doonayo in lagu xiro madaxweynaha Masar oo la gudbiyey

Image

LONDON, UK – Tobanaan qareeno ah oo u dhashay Ingiriiska ayaa dacwad ka dhan ah madaxweynaha Masar u gudbiyey booliska magaalada London.

Dacwad-oogeyaasha oo cuskanaya eedeymo culus ayaa xusul-duub in la siiyo balwo [warrant] ay kusoo xiraan Cabdel Fataax Al Sisi.

Waxyaabaha ay doodooda ku xoojinayaan waxaa kamid ah "caddeymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya ku lug-lahaanshiyaha dambiyo".

Eedeymaha ay u jeediyeen Al Sisi waxaa kamid ah "jirdilka iyo khaarjinta" Maxamed Mursi, madaxweynihii hore ee Masar.

Mursi, hogaamiyihii Ikhwaanu Muslimiin, ayaa geeriyooday isagoo xabsi ku jira, bishii June 17-keeda sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2019-kii.

Talafishinka dowladda Masar ayaa baahiyey in Mursi uu dhintay markii uu miyir-daboolmay isagoo maxkamadeyn ay ku socoto.

Baareyaal madax banaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in geerida Mursi ay ku Timid "abaabulka amar dowladeed".

Dalabka xariga Al Sisi oo uu isku soo dubay Golaha Kacaanka Masar, ayaa imaanaya iyaddoo madaxweynaha uu ka qeybgalayo shirka Ingiriiska iyo Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM