Dhimashada iyo kiisaska Covid19 ee Itoobiya iyo Kenya oo sarre u kacay

Image

NAIROBI, Kenya – Wasaarada Caafimaadka Kenya ayaa maanta xaqiijisay 62 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus, taas oo wadarta guud ee xaaladaha caabuqa sidda fudud u faafa ka dhigeysa 1,348.

Magaala madaxda Nairobi oo wali hogaanka u haysa meelaha ugu badan ee xanuunka ku faafay waxay tiradda cusub ku leedahay 23. Caasimadda waxay qayb kamid ah ku jirtaa xaalad go'doon.

Tiradda bogsashada ayaa noqotay 405 kadib markii saddex bukaan laga soo saarey Isbitaaladda markii ay ka caafimaadeen cudurkaas.

Dhimashadda ayaa wali ku taagan 52, taas oo macnaheedu yahay in aysan jirin geeri cusub oo la liis-gareeyay saacadihii lasoo dhaafay.

Guud ahaan Kenya, waxaa xanuunka laga baarey 64,264, illaa iyo haatan, waxaa 2,293 kamid ah la baarey 24-kiis aac ee u dambeysay.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa soo warisay 46 xaalado cusub oo ah fayruska faafa, kuwaas oo wadarta guud gaarsiiyey todoba iyo kow [701].

Haweenay 32-sano jir ah oo sidoo kale u geeriyootay caabuqa ayaa tiradda guud ee dhimashadda ka dhigtay lix, waana tiro aad u yar.

Bukaanada ka kacay xanuunka ayaa noqdey 167 kadib markii lix qof oo horey loo xaqiijiyey in uu haleelay fayruska ay ka caafimaadeen.

Qaaradda Afrika oo dhan ayaa waxaa laga xaqiijiyey in ka badan 115-kun kiisas oo ah Coronavirus iyo in ka badan saddex qof oo uu galaaftay; dunida oo idil xaaladaha iyo geerida waa malaayiin ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM