Dhimashada ka dhalatay daadadka Congo oo dhaaftey 200 ruux

Image
Madaxweyne Felix Tshisekedi ayaa waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Maalinta Baroor-diiqda Qaranka.

NAIROBI, Kenya - Tirada dadka ku dhintay fatahaadaha iyo dhul go’a bariga Congo ayaa gaartay in ka badan 200 oo qof, sidda uu sheegay sarkaal sarre iyadoo ay socdaan dadaallada baadigoobka ah.

Musiibada ka dhacday deegaanka Kale ee koonfurta Kivu ayaa dhacday habeenimadii Khamiista iyadoo tuulooyinka Bushushu iyo Nyamukubi ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameysay.

"Ugu yaraan 203 mayd ayaa la helay ilaa hadda balse dhimashadu way sii kordhi kartaa iyadoo ay socdaan dadaallada lagu baadigoobayo dad badan oo la la'yahay," ayuu yiri maamulaha Kalehe Thomas Bakenge.

Daadadka ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo sababay in wabiga Chibira uu qarka jabsado, burburiyay dhismayaal iyo dadkii ku dhintay burburka hoostooda.

Barasaabka Koonfurta Kivu Theo Ngwabidje oo warfidiyeenka si kooban ula hadlay ayaa shaaca ka dhigay in dowladda gobolku ay dirtay sahay dawo, hoy iyo cunto.

Madaxweyne Felix Tshisekedi oo war-saxaafadeed kasoo saarey xafiiskiisa warfaafinta ayaa waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Maalinta Baroor-diiqda Qaranka.

Tshisekedi ayaa waxa uu hoosta ka xariqay in dowladda dhexe ay u dirtay kooxda maareynta xasaradaha Koonfurta Kivu si ay u taageeraan dowladda gobolka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa ay sheegtay in in ka badan 780 qoys ay hoy la’aan noqdeen ka dib daadadka ku dhuftay dhulka Uvira ee Koonfurta Kivu todobaadkii hore una baahan yihiin gurmad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM