Dhinacyada dagaalka Sudan oo ogolaatay wadahadal uu Maraykanku dhexdhexaadinayo

Image

KHARTOUM - Hogaanka Ciidamada RSF ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan ka dib markii Maraykanku uu ku martiqaaday dhinacyada isku haya Sudan inay dhexdhexaadiyaan wadahadalo xabad joojin ah.

Hoggaamiyaha RSF Mohammed Hamdan “Hemedti” Dagalo ayaa sheegay horraantii Arbacada in kooxda dableyda ay ka qeyb qaadan doonaan. Mareykanka ayaa Salaasadii ku casuumay RSF iyo ciidamada Suudaan inay ku kulmaan Switzerland 14ka Agoosto wadahadallo, iyadoo dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ay sii kordhayaan.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in wada xaajoodka ay si wada jir ah u martigelinayaan Sacuudiga, ayna goobjoog ka noqon doonaan Midowga Afrika, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Qaramada Midoobay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Wadahadallada ka socda Switzerland waxaa looga golleeyahay in lagu gaaro joojinta rabshadaha dalka oo dhan, awood u siinaya in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dhammaan kuwa u baahan, iyo in la horumariyo hab la socodka iyo xaqiijinta xooggan si loo xaqiijiyo hirgelinta heshiis kasta.”

Ciidanka Suudaan, oo uu hoggaamiyo Abdel Fattah al-Burhan, ayaan weli ka jawaabin martiqaadka. Dagalo ayaa sheegay in martiqaadka wada xaajoodka uu yahay "soo dhaweyn".

Dagaalka bahalnimada ah ee u dhexeeya RSF iyo xukuumadda militariga ayaa ka socday Suudaan tan iyo Abriil 2023. Tobanaan kun oo qof ayaa lagu dilay, ku dhawaad ​​10 milyan oo qofna waa ay barakaceen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya dambiyo dagaal oo badan oo ay geysteen labada dhinac iyo dhibaato bini'aadantinimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Rwanda oo Ku Baaqay In Wada-hadal Lagu Xaliyo Colaadda Congo 

“Waa in la dadaalo si xal loogu helo dhibaatadan,” ayuu yiri Kagame. “Xalka waxa uu ku jiraa hab siyaasadeed gudaha ah, ama wada-hadal.”

  • Afrika

    14-01-2025

  • 07:49AM

Ciidanka Sudan oo la wareegay Magaalo istiraatiiji ah oo ay haysatay RSF

Dib u qabshada magaalada Wad Madani ayaa lagaa yaabaa in ay baddasho jihada uu ku socday dagaalk Sudan.

  • Afrika

    12-01-2025

  • 10:44AM