Dhinacyada ku dagaalamaya Congo oo loogu baaqey inay sameeyeen xabbad-joojin degdeg ah
TANZANIA - Shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Afrika oo looga hadlayay qalalaasaha ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa Sabtidii shalay ku baaqay "xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah," taas oo lagu dhaqan geliyo shan maalmood gudahood.
Kooxda fallaagada ah ee M23 ayaa muddo gaaban ku qabsatay dhul ballaaran oo ku yaalla bariga dalka Congo oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee DRC, iyada oo weerarradooda ay ku dhinteen kumannaan qof, halka malaayiin kalena ay barakaceen.
Dowladda DRC ayaa kooxda M23 u aqoonsan koox argagixiso ah, halka Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay u aqoonsadeen koox fallaago ah oo hubeysan.
Shirka oo ka dhacay dalka Tanzania ayaa waxaa ka qeyb talay madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, iyo dhiggiisa Congo, Felix Tshisekedi, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Ururka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) oo ka kooban 16 dal.
Kagame ayaa shirka si toos ah uga soo qeyb galay, halka Tshisekedi uu uga qayb galay muuqaal ahaan.
Bayaan ay shirka ka soo saareen ayaa lagu sheegay in taliyeyaasha milatariga labada dhinac ay "kulmaan shan maalmood gudahood si ay u hagaan hirgelinta xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah."
Sidoo kale waxaa lagu baaqay in la furo marinno bini'aadantinimo si loo daadgureeyo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.
Dhanka kale, dagaal ayaa weli ka socday meel 60 km u jirta caasimadda gobolka South Kivu ee Bukavu, sida wakaaladda wararka ee AFP ay u sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah iyo kuwa amni.
Kooxda M23 ayaa toddobaadkii hore la wareegtay magaalada istiraatiijiga ah ee Goma, oo ah caasimadda gobolka North Kivu, waxaana ay hadda weerar ku hayaan gobolka deriska la ah ee South Kivu, taasoo sii hurinaysa qalalaasaha muddada dheer ka jiray gobolkaas.
Cabsi dadka deegaanka
Tan iyo markii M23 ay mar kale soo ifbaxday sanadkii 2021, wada-hadalladii nabadda ee ay marti-geliyeen Angola iyo Kenya ayaa guuldarreystay, dhowr xabbad-joojinoodna waa ay burbureen.
In kasta oo Rwanda ay si isdaba joog ah u beenisay inay taageerto M23, haddana warbixin ay diyaariyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay sanadkii hore ayaa lagu sheegay in Rwanda ay ciidammo gaaraya 4,000 oo askari ay ka joogaan DRC, isla markaana ay si sharci-darro ah uga faa'iidaysato kheyraadka dabiiciga ah sida dahabka iyo macdanta coltan oo muhiim u ah sameynta taleefannada casriga ah iyo kombiyuutarrada.
Rwanda waxay ku eedeysay DRC inay hoy siisay kooxda hubeysan ee Democratic Forces for the Liberation of Rwanda (FDLR), taasoo ka kooban Hutu la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen xasuuqii Tutsiga ee dhacay 1994-kii.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli warar au sheegayaan in M23 ay kusii dhowaaneyso magaalada Kavumu ee gobolka South Kivu, halkaas oo uu ku yaallo garoon diyaaradeed muhiim u ah ciidamada Congo.
Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in cabsi baahsan ay ka jirto magaalada Bukavu, iyadoo dadku ay xirayaan dukaamadooda kuna dadaalayaan inay magaalada ka baxaan.
Kufsi wadareed iyo addoonsi
Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa Jimcihii yiri, "Haddii aan wax laga qaban, xaaladda bariga DRC waxay noqon kartaa mid kasii darta taasoo saameyn ku yeelan karta xitaa dalalka deriska ah."
Turk wuxuu sheegay in ilaa 3,000 oo qof la xaqiijiyay la dilay iyo 2,880 kalena ay dhaawacmeen tan iyo markii M23 ay gashay Goma bishii Janaayo 26, balse khasaaraha rasmiga ah uu noqon karo mid aad uga badan inta la hayo.
Wuxuu sidoo kale xusay in kooxdiisu ay baarayso eedeymo badan oo la xiriira kufsi wadareed, kufsi xoog ah iyo addoonsi galmo.
Kooxda M23 ayaa horey u magacowday duq magaalo iyo maamul u gaar ah Goma.
Waxay ku hanjabtay inay gaari doonto caasimadda qaranka, Kinshasa, inkastoo oo uu u dhexeeyo dhul weyn oo gaaraya 1,600 km, kaas oo le’eg Galbeedka Yurub.
Ciidanka DRC, oo ku caan baxay tababar la’aan iyo musuqmaasuq ayaa dhowr jeer dib uga gurtey furimaha dagaalka.
Weerarka M23 wuxuu sare u qaaday cabsida dagaal gobolka wada gaara, maadaama dalal dhowr ah sida Koonfur Afrika, Burundi iyo Malawi ay militari ahaan u taageerayaan DRC.