Sudan: Ciidamada RSF oo qabsaday magaalada istiraatiijiga ah ee El-Fasher, dad badan oo ku xaniban

Image

KHARTOUM, Suudaan — Ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee Suudaan ayaa qabsaday magaalada istiraatiijiga ah ee El-Fasher, iyadoo dagaalka sokeeye uu gelayo sannadkiisa saddexaad, taasoo sababtay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

RSF ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay magaalada ka saartay “gacanta shaqaale ciidan iyo maleeshiyo ku xiran ciidamada argagixisada.” Haddii la xaqiijiyo qabsashada magaalada, waxay noqon doontaa guul weyn oo ka dhan ah Ciidamada Qaranka ee Suudaan, kuwaas oo hadda halis ugu jira in ay waayaan guud ahaan gobolka Darfur.

Tani waxay ku soo beegmaysaa kadib markii kooxda mucaaradka ay sheegtay inay qabsatay Taliska 6-aad ee Qaybta Ciidanka magaalada, iyagoo burburiyay “gawaarida waaweyn ee milatari” isla markaana la wareegay qalab ciidan, sida uu warbixiyay BBC.

BBC ayaa xaqiijisay in muuqaalo baraha bulshada ku faafaya ay muujinayaan dagaalyahanno RSF ah oo gudaha xarunta ciidanka ku sugan. Dagaalyahanno maxalli ah oo taageera ciidamada dowladda, kuwaas oo loo yaqaan Popular Resistance, ayaa ku eedeeyay RSF inay wadaan “ololaha war-marin-xumada ah” si loo wiiqo niyadda sare ee ciidamada dowladda.

18-kii bilood ee la soo dhaafay, RSF ayaa magaalada El-Fasher hareereysay, iyadoo ku xanibtay in ka badan 300,000 qof. Dad badan oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka ayaa wali ku xanniban magaalada istiraatiijiga ah ee Darfur.

Ciidamada RSF ayaa si tartiib tartiib ah ugu sii socday dhanka Taliska 6-aad ee Qaybta Ciidanka, oo si weyn looga arko xarunta ciidanka ee magaalada, muddo toddobaadyo ah.

Taliska Qaramada Midoobay ee Gurmadka Bini’aadantinimo, Tom Fletcher, ayaa Axaddii sheegay inuu “si weyn uga walaacsan yahay wararka ka imaanaya El-Fasher,” isla markaana ku baaqay joojinta dagaalka ee degdegga ah ee Darfur iyo guud ahaan Suudaan.

“Kumanaan dad shacab ah ayaa ku xanniban kana cabsi qaba - la gumaaday, gaajoobaya, islamarkaana aan heli karin cunto, daryeel caafimaad, ama badbaado,” ayuu Fletcher ku yiri bayaankiisa, isagoo intaas ku daray in weerarrada sii xoogaysanaya ay ka dhigeen “aan suurtagal ahayn” in gargaar la gaarsiiyo magaalada.

Dagaalka Suudaan ayaa khatar joogto ah ka jiray tan iyo markii la eryay Omar al-Bashir, kadib kacdoon shacabka ah. Dadaallada lagu soo celinayo maamulka rayidka ayaa guul-darreystay iyadoo ciidamada dowladda ay si adag u hayaan, halka RSF ay u dagaallamayso kaalin siyaasadeed iyo awood gudaha dalka.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo wax ka bedelay Dastuurka Jabuuti si uu ugu tartamo xilka Markii Lixaad 

Jabuuti waxay hoy u tahay saldhigga kaliya ee joogtada ah ee ciidamada Mareykanka ee Afrika.

  • Afrika

    26-10-2025

  • 08:57PM

Itoobiya oo cambaareysay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Masar iyo Midowga Yurub

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ayaa salka ku haya mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-soo-nooleynta Qaranka (GERD).

  • Afrika

    25-10-2025

  • 11:06AM