Ismaaciil Cumar Geelle oo wax ka bedelay Dastuurka Jabuuti si uu ugu tartamo xilka Markii Lixaad 

Image

Jabuuti, 26 Oktoobar 2025 – Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Axadii meel mariyay isbedel Dastuur ah oo ka saaraya xadka da’da musharixiinta madaxtinimada, taas oo fursad u siinaysa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle – oo 77 jir ah – inuu markii lixaad u tartamo doorashada madaxtinimada ee dhici doonta Abriil 2026.

Dhammaan 65 xildhibaan ee fadhiga joogay ayaa cod buuxa ku ansixiyay in la tirtiro xadka hore ee 75 sano, sida ay sheegeen ilo baarlamaan. Go’aankan ayaa u baahan ansixinta madaxweynaha iyo codsi labaad oo baarlamaanka la horkeeno 2-da Noofembar, ama in la qabto afti qaran.

Geelle, ayaa dalka hoggaaminayay tan iyo 1999-kii, markii uu xilka kala wareegay Hassan Gouled Aptidon, madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti.

Xadka da’da ayaa markii hore lagu daray dastuurka sannadkii 2010, xilli Geelle uu sameeyay isbeddello kale oo baabi’iyay xaddiga muddo-xileedka, balse hoos u dhigay muddada xil-wareegga lix sano ilaa shan sano.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Dileyta Maxamed Dileyta, ayaa difaacay isbeddelka, isagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah “xasiloonida iyo joogteynta hoggaanka” ee gobolka Geeska Afrika oo ay ka jiraan xaalado kacsan. Wuxuu sheegay in in ka badan 80% shacabka ay taageersan yihiin tallaabadan, inkastoo warbaahinta Al Jazeera aysan xaqiijin karin sheegashadaas.

Dhanka kale, kooxaha xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyay go’aanka, iyagoo ku tilmaamay tallaabo u gogol xaareysa madaxweyne-nimo daa’im ah.
“Isbeddelkan wuxuu diyaarinayaa madaxweyne aan muddo xad lahayn xukunka hayn doona,” ayuu yiri Omar Cali Ewado, oo ah guddoomiyaha Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Jabuuti, isagoo ku baaqay isbedel dimuqraadi ah oo nabadeed.

Bishii hore, Madaxweyne Geelle ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Jeune Afrique ku sheegay inuusan qorsheynin inuu xilka ka dago, isagoo yiri:
“Waxaan si qoto dheer u jecelahay dalkayga, mana doonayo inaan galo arrin khatar gelin karta midnimada iyo xasilloonida Jabuuti.”

Isbeddelkan cusub ayaa sii xoojinaya suurtagalnimada in Geelle – oo xukunka hayay muddo ku dhow labaatan iyo lix sano – uu sii ahaado hoggaamiyaha ugu muddada dheer Geeska Afrika.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay muddadiisii shanaad ee xilka sannadkii 2021, isagoo helay in ka badan 98% codadka, kadib markii xisbiyada mucaaradka ay iska diideen inay ka qeyb galaan doorashada.

Xilligaas, Mareykanka ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashada, balse wuxuu ku booriyay dowladda Jabuuti in ay xoojiso hay’adaha iyo nidaamyada dimuqraadiyadeed, sida lagu taliyay warbixinadii kormeerayaasha caalamiga ah ee doorashada.

Geelle ayaa hadda ah hogaamiyaha saddexaad ee ugu muddada dheer Bariga Afrika, isagoo xukunka hayay tan iyo 1999. Waxa ka horreeya oo keliya:

Yoweri Museveni ee Uganda, oo talada hayay muddo ku dhow afartan sano, iyo
Isaias Afwerki ee Eritrea, oo xilka hayay ku dhowaad 27 sano.

Muddo-dheerista xukunka Geelle ayaa si isa soo taraysa u dhalisay dood ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Jabuuti iyo baahida loo qabo dib-u-habeyn dimuqraadi ah oo lagu xaqiijinayo wareeg cusub oo siyaasadeed.

Inkasta oo Jabuuti ay leedahay dad gaaraya ku dhowaad hal milyan, haddana dalkaasi wuxuu leeyahay saameyn istiraatiiji ah oo ka baxsan cabbirkiisa dhuleed iyo dadweyne.

Jabuuti waxay hoy u tahay saldhigga kaliya ee joogtada ah ee ciidamada Mareykanka ee Afrika, waxaana sidoo kale ka howl gala saldhigyo milatari oo ay leeyihiin Faransiiska, Shiinaha, Japan iyo Talyaaniga.

Goobta uu dalkaasi ku yaallo — oo ku dhow marinka Bab al-Mandab, halkaas oo ay ku xirmaan badaha Aasiya iyo Yurub — ayaa ka dhigaysa meel muhiim u ah ganacsiga iyo maraakiibta caalamka.

Qiimahaas istiraatiijiga ah ayaa sabab u noqday in Jabuuti ay xasillooni siyaasadeed iyo mid amni ku raaxaysato, xilli dalalka deriska la ah — sida Suudaan oo dagaal sokeeye ka socda iyo Soomaaliya oo wali la tacaalaysa kala daadsanaan siyaasadeed — ay wajahayaan xaalado adag iyo qalalaase joogto ah.
 
 GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo cambaareysay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Masar iyo Midowga Yurub

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ayaa salka ku haya mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-soo-nooleynta Qaranka (GERD).

  • Afrika

    25-10-2025

  • 11:06AM

Qarax Ka Dhacay Nigeria oo Sababay Khasaare Naf iyo Maalba leh

Waxaa la filayaa in dowladda hoose iyo hay’adaha ammaanka ay war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaraan dhacdadan saacadaha soo socda.

  • Afrika

    22-10-2025

  • 10:33AM