Dhinacyadda ku dagaalamaya Suudaan oo qaylo-dhaan loo diray

Image
In ka badan 500 qof ayaa illaa haatan la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen colaadda Suudaan.

WASHINGTON, USA - Iyadoo colaadda Suudaan ay galayso todobaadkii saddexaad iyo xabbad joojin dabacsan, danjirayaasha Suudaan ee hadda jooga iyo kuwii hore ee u qaabilsanaa Washington ayaa VOA-da u sheegay in ay rajeynayaan in xabbad-joojintu ay ugu dambeyntii horseedi doonto wada-hadallo nabadeed oo dheer oo macno leh.

Danjire Mohammed Abdullah Idris ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in nabadda la xaqiijin karo oo keliya haddii dhammaan dhinacyada ay ixtiraamaan shuruudaha xabbad joojinta.

"Xabbad-joojin, xabbad-joojin, waa waddo laba-gees ah, marka waxaan rajeyneynaa in dhinaca kale uu ixtiraamo xabbad-joojinta oo uu ixtiraamo xabbad-joojinta, gaar ahaan qaybaha RSF [Ciidamada Gurmadka Degdega ah] ee la dirayo. Meelaha la deggan yahay, waddooyinka iyo, isgoysyada,” ayuu ka dhawaajiyay

Cabdullah Idiris oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu caddeeyay in dadka ku nool xaafadaha uu dagaalku ka dhacay ay u baahan yihiin fursad ay ugu guuraan meel ammaan ah.

"Sida ay khusayso dowladda, waxaan jeclaan lahaa inaan idiin xaqiijiyo in ay naga go'an tahay in aan ixtiraamno xabbad joojinta si dadka rayidka ah ay u helaan badbaadada lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay, iyo sidoo kale in aan ixtiraamno sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada," ayuu yidhi.

Wuxuu ku daray: "Aan rajayno in ay xajiso oo ay timaado natiijada, natiijooyinka la filayo, gudaha iyo rayidka iyo dadka Suudaan. Dadka Suudaan, waxay mudan yihiin xasillooni, wayna u baahan yihiin".

Wuxuu rajo ka muujiyay dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay bilaabeen Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD. Madaxda South Sudan, Djibouti iyo Kenya ayaa garwadeen ka ah wada xaajoodyada lagu doonayo in nabad waarta lagu helo.

In ka badan 500 qof ayaa illaa haatan la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen colaadda Suudaan ayna ku barakaceen tirro ka badan 1,000 ruux kale kuwaasoo u kala hayaamay daafaha caalamka si gaar ah Sacuudi Carabiya halkaasoo laga dejiyey maraakiib ay saaran yihiin shacab ayna dalalka kale ay la baxeen muwaadiniinta iyo diblumaasiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM