Dhismaha Baarlamaanka South Africa oo gubtay

Image

Dab ayaa ka kacay dhismaha Baarlamaanka South Africa subaxnimadii hore ee Axaddii, iyadoo holaca iyo qiiqa ka baxaya laga arkayay meelo badan oo ka mid ah magaalda Cape Town, waxaana, saacado ka dib ciidamada dab-damiska ayaa qayb ka mid ah damiyeen dabkaas.

Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in dabku uu saameeyay qeybo badan oo ka tirsan dhismaha sharci-dejinta South Africa.

Wasiirka howlaha guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha Patricia De Lille ayaa saxaafada u sheegtay in aysan jirin cid waxyeello ka soo gaartay dabkan. Ilaa hadda lama oga sababta dhalisay dabkan.

"Tani waa maalin aad u murugo badan ugu leh dimoqraadiyadda. Baarlamaanku waa hoyga dimuqraadiyaddayada." ayay tiri De Lille.

Afhayeenka baarlamaanka Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa ka digtay warar sheegayay in dabkani ahaa weerar ula kac ah.

Madaxweynaha South Africa Ramaphosa iyo qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta sarsare ee dalkaas ayaa ku sugnaa Cape Town, kuwaas oo ka qeyb galay aaska Archbishop Desmond Tutu, oo Sabtidii ka dhacday magaalada Cape Town.

Reuter, AP.

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM