Dhurwaa qarax ka badbaadiyey ciidamadda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Laba Dhurwaa [Waraabe] ah ayaa Jimcadii, 29-kii Janaayo waxay ku geeriyoodeen qarax miino oo ka dhacay waddo aada saldhig ay leeyihiin ciidamadda bileyska Kenya, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Mareegga Kenyans.com ayaa saraakiil amni oo ku sugan xero ku taala tuuladda Konton ee ismaamulka Wajeer wuxuu kasoo xigtay in ay maqleen dhawaqa xilli ay heegan ugu jireen weerar kaga yimaadda xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Sidda ku xusan warbixinta, ciidamadda oo aad uga feejignaa suurtagalnimada weerar kaga yimaada Al-Shabaab ayaa u muuqda mid ka badbaadey falkaas.

Howlgal ay sameeyaan aroornimadii Sabtidii todobaadkan ayay ku heleen meydadka laba dhruwaa kuwaas oo ku naf-waayey weerarkaas qaraxa ah.

"Qaraxyadda oo la doonayey in lala eegto gaadiidka ciidamadda ammaanka ayaa u muuqda kuwa galaaftay labada dhurwaa kuwaas oo aagaas ka raadinayey cunto balse ay miinadda ku haleeshay," ayuu bogga kasoo xigtay saraakiisha amniga.

Mid kamid ah saraakiisha oo magaciisa aan lasoo bandhigin ayaa ku daray "aad baan u nasiib badan nahay hadii aan nafteena ku wayn qaraxa, balse waxaan ka xunahay in xayawaan aan waxba galabsan uu ku naf-waayey falkaas xun".

Al-Shabaab ayaa si joogta ah uga howlgasha gobolada waqooyi barri ee Kenya. Tan iyo bilowgii sanadkan 2021, maleyshiyadda gacansaarka la leh Al-Qaacidda waxay gudaha dalkaas ka fulisay weerar sababay khasaaro geeri iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM