Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Image

JOHANNESBURG – Ganacsiyo badan ayaa albaabada loo laabay, halka booliska si weyn loogu daadgureeyay waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Afrika, iyadoo dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah ajaanibta ay ka socdaan dalka.

Kooxo u ololeeya in dalka laga saaro dadka ajaanibta ah ee aan sharciyeysneyn ayaa u qabtay maalinta Talaadada kama dambeys ay dalka uga baxaan. Kooxahan ayaa si been abuur ah u faafiyay in dadka aan haysan dukumentiyada sharciga ah la xiri doono lana masaafurin doono haddii aysan ka bixin dalka.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa si cad u beenisay sheegashadaas, hase yeeshee cabsi darteed kumannaan qof oo ajaanib ah ayaa bilaabay inay ka qaxaan goobihii ay ku noolaayeen.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa, balse aysan taasi micnaheedu ahayn in dadka loo hanjabo ama lagu kaco falal rabshado iyo burburin ah.

"Qof kasta oo sharciga gacantiisa ku qaata, sabab kasta ha ku kaliftee, wuxuu ku kacayaa fal ka baxsan sharciga," ayuu yiri Ramaphosa.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay ka niyad jabeen dowladda, iyagoo ku eedeeyay inay ku guuldareysatay inay wax ka qabato tirada sii kordheysa ee dadka ajaanibta ah ee dalka ku jooga si sharci darro ah.

Waxay sidoo kale sheegeen in shaqo la'aanta baahsan ay sabab u tahay tartanka shaqooyinka, iyagoo isweydiiyay sababta dadka aqoonta leh ee u dhashay Koonfur Afrika ay shaqo u waayeen.

Dibadbaxyada ayaa ka socda xaafado ay si wadajir ah u degan yihiin muwaadiniinta Koonfur Afrika iyo ajaanib badan oo ka kala yimid dalalka Afrika.

Rabshadaha naceybka ajaanibta ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sababay dhimashada ugu yaraan afar qof oo isugu jiray laba u dhalatay Mozambique, hal Itoobiyaan iyo hal Malawi u dhashay.

Koonfur Afrika ayaa horey dhowr jeer uga dhacday rabshado lagu beegsaday ajaanibta. Sanadkii 2008 waxaa ku dhintay 62 qof rabshado noocan oo kale ah, halka weerarro kale ay dhaceen sanadihii 2015, 2016 iyo 2019, markaas oo kooxo hubeysan ay weerareen goobo ganacsi oo ay lahaayeen ajaanib ku nool agagaarka Johannesburg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM