Dilalka loo geysanayo Soomaalida Koonfur Afrika oo soo cusboonaadey

Image

CAPE TOWN, South Africa – Wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamed Xasan ayaa lagu waramay in lagu dilay xaafadda Samora, magaaladda Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika.

Sidda ay sheegeen xubno kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed, marxuumka oo ahaa 20-sano jir ka shaqeynayey mid kamid ah xarumaha ganacsiga waxaa falkiisa ka dambeeyay kooxo burcad ah.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta dhabta ah ee loo beegsaday Ibraahim Maxamed Xasan. Laamaha amniga ayaanan wali warbixin kasoo saarin falka lagu dilay muwaadinkan Soomaaliyeed.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in ay baxsadeen gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyay dhacdadaas. Boolis tegay meesha ay wax ka dhaceen waxay sheegeen in ay soo qaban-doonan raggaas.

Hase ahaatee, horey uma aysan dhicin in ciidamadda amniga soo qabtaan dadka waxyeeleeya ajaaniibta ay Soomaalida kamid tahay; soo qabasho iskaba daayee, ma jirto cid loo maxkamadeeyay.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee dhibaatadda ugu badan loogu geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed oo halkaas ku leh ganacsiyo kala duwan, oo qaarkood uu bulaalay.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aysan kala hadlin dhigeeda Koonfur Afrika wax ka qabashadda arrintaas. Safaaradda dalkaas waxay dhowr jeer diiday in ay ka hadasho tacadiyada soo laab-laabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM