Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya oo ku burburtay Gobolka Amhara

Image

ADDIS ABABA - Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka Itoobiya ayaa Sabtidii shalay ku burburtay magaalada Bahir Dar, sida ay sheegtay warbaahintu.

Ma cadda in diyaaradaasi ay la socdeen saraakiil ciidan iyo wakiilo ka socda dowladda, sida ay ku warrantay Borkena News.

Shilkan ayaa duhurnimadii Shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Belay Zeleke ee magaalada Bahir Dar ee xarunta gobolka Axmaarada.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa warbaahinta Meseret u sheegay in shilku uu dhacay, balse faah faahin dheeri ah lagama bixin.

Ma jiro wax war ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed iyo waxa sababay.

Waxaa la hakiyay dhamaan duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka soo dagaya magaalada Bahir Dar oo ay ku jiraan kuwa Ethiopian Airlines, sida ay sheegeen rakaabka iyo ilo-wareedyadu.

Dowladda ayaan wax war ah ka soo saarin burburka diyaaradda.

Wararka ayaa sheegaya in madaxa difaaca Field Marshal Berhanu Jula uu Jimcihii booqasho ku tagay magaalada Bahir Dar oo uu kulan kula qaatay saraakiisha difaaca gobolka. Warbaahinta dowladda ayaa la wadaagtay sawirka isaga oo qaadanaya jaakad dhaqameed, oo loo yaqaan Kaba.

Ethio News ayaa ka soo xigatay Asres Mare Damte, oo ah madaxa qaybta siyaasadda ee ciidamada Fano ee Gojjam, kaas oo yiri, "Mucjiso ayaa dhacda ka hor inta aanu maradu ka bixin garabka Berhanu Jula." Hadalkaas macnihiisa weli ma cadda.

Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ay si joogta ah ugu wadeen deegaankaasi labadii maalmood ee u dambeeyay. Tan iyo August 2023, Malleeshiyada Fano ayaa dagaal kula jirta Ciidanka dowladda Itoobiya, iyadoo ka qabsatay dhul badan oo gobolka Amhara ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay in ay sii wadi doonto la dagaalanka kooxda AS

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeystay in ay doorkooda difaacan doonan.

  • Afrika

    16-11-2024

  • 07:36AM

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM