Itoobiya oo sheegtay in ay sii wadi doonto la dagaalanka kooxda AS

Image
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeystay in ay doorkooda difaacan doonan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya waxay wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si kasta oo suurtagal ah’ inkastoo Soomaaliya ay dooneyso inay ka saarto howlgalka AU ee soo socda

Itoobiya ayaa xaqiijisay inay ka go'an tahay ka hortagga Al-Shabaab, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in "dadaallada lagu wiiqayo kooxda ay sii socon doonaan si kasta oo suurtagal ah" si loo ilaaliyo amniga qaranka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya, Ambassador Nebiat Getachew, ayaa iftiimiyay doorka muhiimka ah ee ay Itoobiya ka qaadaneyso yareynta khatarta Al-Shabaab, isagoo xusay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka dhaxeeyaan xiriir aan kala go’ lahayn.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaankeeda ka dib markii uu ku dhawaaqay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Sabtidii.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (#AUSSOM) ee soo socda, kaas oo bilaaban doona Janaayo 2025-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM

Khalifa Haftar iyo Wakiilka QM ee Libya oo Ka Wadahadlay Qorshe Siyaasadeed Cusub

Libya ayaa qaran bur bur ku dhacay markii la riday dowladdii Qadaafi 2011, iyadoo dalka noqdey marinka Yurub.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 08:35AM