Diyaarad ay leeyihiin ciidamadda Kenya oo burburtay

Image

NAIROBI, Kenya - Diyaarad ay leeyihiin ciidamadda cirka Kenya ayaa ku burburtay magaaladda Voi ee ka tirsan ismaamulka koonfurta Kenya ku yaala ee Taita-Taveta.

Sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah, diyaaraddan ayaa ka duushay garoonka ciidamadda cirka Kenya ee Moi Air Base kaasoo ku yaala caasimadda Nairobi.

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay soo dhicitaanka diyaaradda. Wasaaradda difaaca Kenya ayaa ka gaabsatay in ay bixiso tafaasiil dheeri ah kuna saabsan shilkan.

Taliska Ciidamadda Difaaca waddanka Kenya ayay saxaafada gudaha kasoo xigatay in ay socdaan dedaalo lagu dayactirayo diyaaradda nooceedu yahay Harbin Y-12.

Sidda uu wariyey bogga News365.co.ke, diyaaradda ayaa qorshuhu ahaa in ay magaalada Mombasa kasoo qaado taliye ku xigeenka ciidanka Kenya, Levi Mghalu.

News365.co.ke oo soo xigtay mas'uul si dhow ula socday qorshaha safarka ayaa intaas ku daray afar qof oo saarnaa diyaaradda ay isla goobta ku geeriyoodeen.

"Diyaaradu waxay ku dhacdey buur ku taala Tsavo East taasoo sababtay inuu dab ka kaco mid kamid ah garbaheeda, waxaana ku dhintay afartii qof ee saarnaa," ayuu bogga kasoo xigtay goobjoogeyaal.

Afar bilood kahor, diyaarad kale oo noocaan ah ay ku dhacdey garoonka diyaaradaha magaalada Dhoobley ee koonfurta Soomaaliya waxyar kadib markii ay duushay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM