Dowladda Ingiriiska oo digniin ammaan kasoo saartey Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Boqortooyadda Ingiriiska ayaa maanta oo Axad ah digniin la xiriirta dhanka ammaanka waxay kasoo saartay dalka Kenya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska dibadda u qaabilsan UK ayaa lagu sheegay in dalkan dhaca Geeska Afrika uu u nugul yahay weeraro.

War-saxaafadeedka ayaa lagu faray muwaadiniin Britain ee ku nool Kenya in aysan gelin safaro aanan laga maarmaan ahayn.

"Si gaar ah waa in aadan u socdaalin meelaha ay argagixisadda ku xoogan tahay, hadii aad ka maarmi maydo la xiriir xarunta kuugu dhow," ayay warbixintu kula talisay muwaadiniinta British-ka ah.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo dhowaan ay Al-Shabaab weeraro culus ka fulisay Kenya ayna ku beegsatay saldhigyo iyo rayid.

Weerarkii ugu cuslaa illaa iyo haatan waxay ku ekeeyeen xerada Manda Bay oo fariisin u ah ciidamadda Mareykanka iyo Kenya.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa xustay in ay dishay saddex Ameerikaan ah kuna burbursay diyaarado iyo gaadiid.

Laamaha ammaanka ayaa tan iyo falkaas gacanta ku dhigay in ka badan tobban qof, kuwaasoo lala xiriirinayo Al-Shabaabnimo.

Shaqsiyaadkaas ayaa waxaa ku socda baaritaan lagu waddo in natiijadda kadib ay kaga soo muuqdaan maxkamad si loogu qaado dacwada.

Kenya ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii oo ay ku biirtay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya waxay la tacaaleysaa weeraro kaga yimaada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM