Dowladda Itoobiya oo qabsatay magaalo taariikhi ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa waxay shaaca ka dhigeen dib-ula-wareegay gacan ku haynta magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo ay mar ka talin-jireen jabhada Tigreega.

Talaabadan ayaa timid xili ay kooxda TPLF ku dhawaaqday in ay ka baxayso dhamaan deegaanada ay ka kooban tahay goboladda Axmaarada iyo Canfarta.

Kooxda TPLF oo war-saxaafadeed kooban soo saartey ayaa sheegtay in ay go’aankan qaadatay si ay wadada ugu furto in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada.

Colaadda oo wali aan joogsan ayaa sababtay masiibo bini'aadantinimo oo baaxad leh, iyadoo dadaallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ay ilaa hadda fashilmeen.

Ma cadda goorta ay millatarigu dib ula wareegeen Lalibela, balse ra’iisul wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen Hassen ayaa booqday magaalada, oo ku taal Amxaarada, Axadii.

Lalibela, oo caan ku ah kaniisado dhagax-qoran oo soo taxnaa qarniyadii 12-aad iyo 13-aad, ayaa sannadkii 1978-kii loo aqoonsaday goob dhaxal-galka ah, sida ku xusan qoraal kasoo baxay UNESCO.

Magaaladu dhowr jeer ayey gacmo kala duwan isku bedeshay tan iyo bishii Ogosto. Sabtidii, dowladdu waxay sheegtay in ciidamadeedu ay dib ula wareegeen dhowr magaalo oo kale oo ay ku jirto Weldiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM