Dowladda Kenya oo ku fekereysa in ay xirto xuduudka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowlada Kenya ayaa ku fekereysa in ay gebi ahaanto xirto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu Jimcadii ka dhawaajiyey Wasiirka Caafimaadka wadankaas, Mutahi Kagwe.

Kagwe oo wariyeyaasha kula hadlay caasimadda Nairobi ayaa carabka ku dhuftay in go'aankaas ay "u badan tahay in ay qaataan".

Sidda laga soo xigtay wasiirka, sohdinta la xirayo waa dhinaca Wajeer, wallow uusan tilmaamay goorta lagu dhawaaqayo go'aankaas.

Talaabadan ayaa qayb ka ah xayiraadyo cusub oo dowladda Uhuru Kenyatta qorsheyneyso in ay soo rogto si looga hortaggo safmarka Coronavirus, kaas oo kiisas badan laga helay labadda dal.

"Xadka laga soo gudbo Wajeer iyo Soomaaliya, oo laga helay in ka badan 500 kiis oo ah Coronavirus, waxay u badan tahay in aan xirno si loo xaqiijiyo in uusan faafin fayruska," ayuu yiri.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dhowr qof oo la sheegay in ay la yimaadeen Soomaaliya loogu karantiilay Wajeer Covid-19 awadiisa. Maalmo kadib, waxaa lasoo wariyey in kiiskii ugu horeeyay la helay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u xirtay dhamaan sohdimaha uu waddanku la leeyahay deriska, hase ahaatee, waxaa lasoo warinayaa in aysan si buuxda u dhaqan-gelin talaabooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM