Dowladda Uganda oo da' gaar u xadiday isticmaalka khamriga

Image
WHO ayaa Uganda ku sheegtay inay ka mid tahay dalalka hormuudka ka ah heerka sare ee isticmaalka khamriga.

KAMPALA, Uganda - Dowladda Uganda ayaa waxay ku dhawaaqday qorshe ay ku kordhinayso da'da sharciga ah ee lagu cabi karo khamriga iyadoo laga dhigay 21 jir.

Warbixinta Tirakoobka Caafimaadka Adduunka ee 2023 ayaa Uganda ku sheegtay inay ka mid tahay dalalka hormuudka ka ah heerka sare ee isticmaalka khamriga.

Sida lagu sheegay warbixinta WHO, waxaa lagu qiyaasaa in dadka reer Uganda ay hadda isticmaalaan 12.2 litir oo khamri ah qofkiiba sanadkii, taasoo aad uga sareysa celceliska adduunka.

"Cilmi-baadhistu waxay muujisay in haddii qof aanu qaadan walaxda qabatinka ah 21 jir, ay aad ugu yar tahay isticmaalka walxaha la qabatimay nolosha dambe," Dr Hafsa Lukwata, oo ah guddoomiyaha wasaaradda caafimaadka ee caafimaadka dhimirka, khamriga iyo maandooriyaha, ayaa u sheegtay BBC.

Hafsa ayaa intaas waxay ku dartey: "Waxaa jiray qeylo dhaan dadweyne oo ku saabsan xadgudubka mukhaadaraadka ee dhalinyarada, waana sababta aan ula wacaalayno".

Baarlamaanka ayay ka dhawaajisay in uu ka doodi doono xaddidaadda da'da, iyo tallaabooyin kale, sharciga ka hortagga khamriga ee dhawaan la soo bandhigi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM