DR Congo: Isku-day xabsi ka baxsasho oo galaaftay nolosha 129 qof

Image
Xabsiga Makala ayaa ah kan ugu weyn DRC waxaana loo dhisay in lagu xiro 1,500 oo maxbuus.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa sheegay in ugu yaraan 129 qof lagu dilay xabsiga dhexe ee Makala ee caasimadda Kinshasa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Shabani Lukoo ayaa sheegay in maxaabiista ay isku dayeen in ay baxsadaan xilli uu dab qabsaday dhismooyinka maamulka ee jeelka oo ay ku jiraan kuwa bukaan jiifka ah.

Xabsiga Makala ayaa ah kan ugu weyn DRC waxaana loo dhisay in lagu xiro 1,500 oo maxbuus. Balse hadda waxaa lagu haayaa inta u dhaxaysa 14,000 ilaa 15,000 maxbuus.

"Marka loo eego tirokoobka rasmiga ah, intooda badan waa dad maxkamad sugayaal," ayay Amnesty International ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee dalka ee DRC.

Xabsigu waxaa loo diiwaan galiyay dhacdooyin noocaan oo kale, oo uu ku jiro 2017 markii in ka badan 4,000 oo maxbuus ay ka baxsadeen markii ay weerareen rag hubaysan xilli habeen ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM