Duqeymo iyo dagaal dib uga soo cusboonaadey caasimada Suudaan

Image
Tani ayaa waxay ka dambeysay markii ay dhamaatay xabad-joojin ay dhinacyadda ku heshiiyeen.

KHARTUUM, Suudaan - Duqeymo iyo rasaasta ayaa dib uga soo cusboonaaday caasimadda Suudaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal, kaddib markii ay dhammaatay xabbad joojin 24-saac ah oo dadka rayidka ah siisay nasasho naadir ah kadib ku dhawaad ​​laba bilood oo dagaal ah.

Jugta madaafiicda culus ayaa laga maqlay Khartoum iyo magaalada mataanaha ah ee Omdurman oo dhanka waqooyi ka xigta, waxaana sidoo kale dagaalku uu ka qarxay wadada Al Xaawo, oo ah halbowlaha ugu weyn ee koonfurta caasimadda.

Heshiisyadii xabbad joojinta ee ugu dambeeyay ayaa u sahlay dadka rayidka ah ee ku go'doonsan Khartoum in ay dibadda u soo baxaan oo ay kaydsadaan cuntada iyo saadka kale ee muhiimka ah.

Balse 10 daqiiqo oo kaliya ka dib markii ay dhamaatay 6:00 subaxnimo (0400 GMT), waxaa caasimadda mar kale ruxay duqeymo iyo iska hor imaadyo, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

"Nasashadda halka maalin waxay ahayd sida riyo oo soo baxday," ayuu yiri Nasreddin Ahmed, oo deggan koonfurta Khartoum oo ku baraarugay dagaalka.

Asmaa al Rih, oo ku nool xaafadaha waqooyi ee caasimadda, ayaa ku calaacalay "soo laabashada argagixsada" iyada oo "gantaallo iyo madaafiic ruxaysa gidaarada guryaha" mar kale.

Dagaal lagu hoobtay ayaa ka socday dalka ku yaalla waqooyi bari Afrika tan iyo bartamihii bishii April, markaasoo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al Burhaan iyo ku xigeenkiisii ​​hore Maxamed Xamdaan Daglo, oo ka amar qaata ciidamada gargaarka degdega ah (RSF), ay is-horfadhiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM