Duqeymo iyo dagaalo cusub oo ka qarxay waddanka Suudaan

Image
Rabshadaha ayaa billowday shan toddobaad ka hor, waxayna salka ku haayaan loolan dhanka awoodda ah.

KHARTUUM, Suudaan - Duqeymo dhanka cirka ah iyo iska-hor-imaadyo cusub ayaa laga soo sheegay Suudaan – taasoo hoos u dhigaysa rajadii laga qabay isku daygii ugu dambeeyay ee xabbad joojinta dalka ay colaaduhu ka jiraan.

Xabbad joojin cusub oo todoba maalmood ahayd ayaa si rasmi ah u bilaabatay 21:45 wakhtiga maxaliga ah (19:45 GMT). Hase ahaatee, waxaa muuqanaysa in mar kale la jebiyey.

Goob-joogayaal ayaa horay uga hadlay dagaallo hor leh oo ka dhacay caasimadda Khartoum iyo meelo kale ayna ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawaca dad rayid ah.

Rabshadaha ayaa billowday shan toddobaad ka hor, waxayna salka ku haayaan loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ciidamada caadiga ah iyo koox dabley ah.

Isku dayo dhowr ah oo hore oo lagu doonayay in lagu gaaro hakad waara oo colaadaha ka socda dalka waqooyi-bari ee Afrika ayaa gariiray ama burburay.

Waxaa soo cusboonaaday rajo cusub oo laga qabo xabad joojintan cusub, taasoo timid kadib wadahadalo rasmi ah oo ay garwadeen ka ahaayeen Sacuudiga iyo Mareykanka.

Heshiiska cusub ayaa waxaa lagu xoojin doonaa "habka la socodka xabbad-joojinta," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga Sabtidii - kaas oo qirtay guul-darradii hore ee lagu xaqiijin lahaa nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM