Duqeyn in ka badna 50 qof ku dishay waqooyi galbeed Tigray

Image
Kooxda TPLF ayaa sheegtay in weerarkaas "foosha xun" uu ka dambeeyay Abiy Axmed Cali.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Duqeymo cirka ah oo ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay 56 qof, halka 30 kalana ay ku dhaawacmeen xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka ciidamada Gaashaanle Sare Getnet Adane iyo afhayeenka dawlada Legesse Tulu ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo la xidhiidha in ay ka hadlaan arrintan.

Billene Seyoum oo ah afhayeenka ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaan ka jawaabin codsi ah in wax faallo ah ka bixiyo xaaladan. Reuters waxay soo xigatay laba goobjoogeyaal caafimaad.

Dawladdu waxay hore u beenisay in ay beegsatay dadka rayidka ah iskahorimaadka 14-ka bilood ah ee ay kula jiraan ciidamada kacdoonka wada ee Tigrayga.

Afhayeenka Jabhadda Tigreega ee TPLF ee dagaalka kula jirta dawladda dhexe Getachew Reda, ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in “weerar kale oo aan fiicneyn oo uu Abiy Axmed ku qaaday xero barakacayaal oo ku taal Dedebit, ayna galaaftay nolosh  ilaa 56 qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan".

Duqeynta ka dhacday magaalada Dedebit oo ku taal waqooyi galbeed ee gobolka u dhow xudduudda uu la wadaago Eritrea, ayaa dhacday xilli dambe oo habeennimadii Jimcaha ah, sida ay sheegeen samafalayaasha oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, maadaama aan loo fasaxin inay la hadlaan warbaahinta.

Horaantii Jimcihii, dowladdu waxay xabsiga ka sii daysay dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah waxayna sheegtay inay bilaabi doonto wadahadal ay la gasho mucaaradka siyaasadeed si loo helo dib u heshiisiin. Dadka lasii daayey waxaa ku jira Jawar Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM