Duqeyn ka dhacdey Suudaan oo galaaftey nolosha 22 ruux

Image
Weerarku wuxuu ka dhacay Sabtidii xaafad ku taal Omdurman, oo ah magaalada deriska la ah caasimadda Khartoum.

KHARTUUM, Suudaan - Weerar cirka ah oo lagu qaaday magaalo ku taal Suudaan ayaa lagu dilay ugu yaraan 22 qof, sida ay sheegeen mas'uuliyiin dhinaca caafimaadka ah iyo hay'adaha gargaarka maxaliga ah.

Waa mid ka mid ah duqeymihii ugu dhimashada badnaa ee qeybta ka ah dagaalka toddobaadyada qaatay ee u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo xoogagga fallaagada ah.

Weerarku wuxuu ka dhacay Sabtidii xaafad ku taal Omdurman, oo ah magaalada deriska la ah caasimadda Khartoum, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda caafimaadka.

Duqeyntan oo ay ku dhaawacmeen tiro dad ah oo aan la cayimin, ayaa waxaa si degdeg ah u cambaareeyay Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah saaxiibada caalamka.

Bishii lasoo dhaafay, weerar cirka ah ayaa Khartoum ku dilay ugu yaraan 17 qof oo ay ku jiraan shan carruur ah, sidda laga soo xigtey korjoogteyaasha caalamiga ah.

RSF, ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 31 qof oo rayid ah, waxayna ku eedaysay ciidanka inay soo weerareen xaafado ka tirsan magaalada Omdurman.

Omdurman ayaa waxay xudun u ahayd dagaal dhex maray dhinacyada dagaallamaya. Ciidamada ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay jaraan khad sahayda oo muhiim ah.

Ugu yaraan 1,133 qof ayaa lagu dilay dagaalka oo billowday 15-kii Abriil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka. In ka badan 2.9 milyan oo qof ayaa la rujiyey, oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​700,000 oo u qaxay dalalka deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM