Erdogan oo u sheegay Itoobiya inaysan wax faa’iido ah ka helayn aqoonsiga Somaliland

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya — Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, intii uu ku sugnaa booqasho rasmi ah Addis Ababa, in Itoobiya aysan wax faa’iido ah ka helayn aqoonsiga Somaliland, taasoo muujinaysa taageerada Ankara u hayso midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya.

Erdogan ayaa sheegay inuu farriinta si toos ah ugu gudbiyay Abiy Ahmed, isagoo carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga Somaliland uusan dan u ahayn Itoobiya, isla markaana Turkigu mudnaan gaar ah siinayo ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale mar kale caddeeyay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan diidmada aqoonsiga Israa’iil ee gooni isu taagga Somaliland, isagoo sheegay in tallaabo noocaas ah “aysan dan u ahayn Somaliland ama guud ahaan Geeska Afrika.”

Bishii December ee la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shaaciyay in Israel ay aqoonsatay Somaliland sida dal madax-bannaan, go’aanasoo dhaliil ka keenay dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowladaha gobolka.

Hadalkan Erdogan ayaa kusoo beegmaya xilli ay warar soo baxayaan oo sheegaya in Somaliland iyo Itoobiya ay ka wada shaqeynayaan heshiis cusub oo suurta-gelin kara in Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland mustaqbalka dhow.

Sanadihii u dambeeyay, Turkigu wuxuu ballaariyay saameyntiisa siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, halkaasoo uu xiriir dhow la leeyahay dowladda federaalka ee Muqdisho dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Booqashada Erdogan ee Addis Ababa ayaa muujineysa doorka sii kordhaya ee Turkigu ku leeyahay arrimaha gobolka, xilli tartan istiraatiijiyadeed uu ka socdo Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM