Eritrea: Wasiir loo xiray mucaaradnimo oo xabsi ku dhex-dhintay

Image
Berhane Abrehe ayaa waxa uu ahaa wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea.

NAIROBI, Kenya - Berhane Abrehe - wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea, aadna u dhaliili jiray madaxweynaha dalkaas - ayaa ku dhintay xabsiga, sida ay sheegeen qoyskiisa.

79-jirkan ayaa ahaa wasiirkii maaliyadda ee ugu waqtiga dheeraa Eritrea, balse waxaa xilka laga qaaday sannadkii 2012-kii kaddib markii ay isku dhaceen madaxweyne Isaias Afwerki.

Lix sano ka dib ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu soo saaray buug uu ku sheegay in madaxweynaha uu yahay keligii taliye u baahan in uu is casilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nigeria: Ku dhowaad hal milyan qof oo ku barakacay daadad ba'an

Daadadkii ugu xumaa ee muddooyinkan dambe waxaa ku dhintay 600 oo qof sannadkii 2022-kii.

  • Afrika

    12-09-2024

  • 12:46PM

Senegal: Ugu yaraan 16 qof oo ku geeriyooday shil gaari

Shilalka waddooyinka ayaa ku soo noq-noqda dalka Senegal, waxaana inta badan loo sababeeyaa waddooyinka.

  • Afrika

    10-09-2024

  • 10:46AM