Ethiopia: Bangigii ugu horeeyay Soomaali leedahay oo la furay

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Mustafa Cagjar ayaa ka qeybgalay munaasabadda daahfurta bangigan.

JIGJIGA, Soomaali State - Bangigii ugu horreeyay ee ay Soomaalida Deegaanku yeelato ayaa maanta lagu daah-furay magaalada Jig-jiga, waxa uuna ka shaqo gali doonaa guud ahaan Itoobiya, sida ay warisay saxaafadda.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar, Madaxwayne-ku-xigenka Ibraahim Cusmaan Faarax, Maareeyaha Bangiga Shabeelle, Khadar Axmed iyo mas'uuliyiin kale.

"Ilaa iyo hadda barnaamijyadii ay xukuumaddu waday waxa ay ahayd soo celinta magacii, astaamihii iyo taariikhihii ummada Soomaaliyeed ee Deegaanka, mida bangiga ee aynnu maanta u joognana ku waasi anbay kamid tahay," ayuu yiri Cagjar.

Cagjar ayaa xusay in ahmiyada bangigani uu u leeyahay shacabka Deegaanka ay tahay mid aad u ballaadhan "waxa uu wax-weyn ka tari doonaa horumarinta nolosha bulshada iyo kor-u-qaaddida kaabayaasha dhaqaale ee bulshada," ayuu raaciyey.

"Billowgii isbaddalka Deegaanka ayuu billaabmay dhaq-dhaqaaq ay xukuumaddu hormuud ka ahayd oo lagu yagleelayay bangigani Shabeelle ee la daah-furay maanta; Ujeeddaduna waxa ay ahayd in la hirgeliyo bangi u taagan matalaadda shacabka Deegaanka Soomaalida oo si dhab ahna u daboola baahidooda dhaqaale," ayuu yiri TV-ga ku hadla afka degaanka.

Shabeelle bank ayaa loo aas-aasay in uu bixiyo adeegyo maaliyadeed oo waafaqsan mabaadi'da shareecadda Islaamka oo guud ahaan Itoobiya ka dhaqan gasha iyo in uu gacan ka gaysto hirgelinta kobac dhaqaale oo waara.

Hay'adii adeegga lacagaha yar-yar ee loo yaqaanay (Micro-finance) ayaa wakhtigani u dalacday bangigani Shabeele kaddib saamiyo ay ka gateen bulshada Deegaanka iyo kabitaan lacageed oo ay u samaysay xukuumadda Deegaanku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM