Ethiopia: Howlwadeenada gargaarka oo shaqada joojiyey
ADDIS ABABA, Ethiopia – Hay’adaha gargaarka ayaa joojiyay shaqadii ay ka hayeen qayb ka mid ah gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaddib markii weerar cirka ah lagu qaaday xero ay ku noolaayeen dad ka barakacay dagaallada, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka degdegga ah ee Qaramada Midoobay.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA) ayaa bayaan uu soo saaray Axadii in weerarkii ka dhacay magaalada Dedebit ee waqooyi-galbeed ee Tigray uu " sababay khasaare badan oo rayid ah oo ay ku jiraan dhimasho", sida ay muujiyeen xogaha hordhaca ah.
"La-hawlgalayaasha bani'aadamnimada waxay hakiyeen dhaqdhaqaaqii aagga sababo la xiriira hanjabaadaha socda ee duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," ayaa lagu yiri.
Shaqaalaha gargaarka iyo kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa Sabtidii sheegay in weerarka lagu dilay 56 qof. Suurtagal ma ahayn in si madax banaan loo xaqiijiyo sheegashada sababta oo ah gelitaanka gobolka Tigray-ga waa xaddidan yahay waxaana wali ka maqan isgaarsiinta.
Khilaafkan ayaa bishii November ee sanadkii 2020 ka dhex qarxay dowladda federaalka ah iyo kooxda TPLF oo siyaasadda Itoobiya maamulaysay muddo ku dhow 30 sano ka hor inta uusan xilka la wareegin ra’iisul wasaare Abiy Axmed 2018-ka.
Gobolka Tigray waa mid ka mid ah 10-ka dowlad goboleed ee ismaamulka qawmiyadaha Itoobiya, waxaana inta badan degan dadka Tigrayga ah oo ka kooban 6 boqolkiiba dadweynaha Itoobiya oo ka badan 110 milyan.
Duulaanka hawada ee Tigray-ga ayaa si xoogaystay iyadoo isgaarsiintu hawada ka maqantahay, waxaana Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay go'doomin dhab ah oo ka dhan ah gargaarka.
Weerarkan cirka ah ayaa dhacay saacado kadib markii xukuumada Itoobiya ay Jimcihii ku dhawaaqday inay cafis ufidisay saraakiil sarsare oo katirsan kooxda TPLF iyo hogaamiyayaasha kale ee mucaaradka ah si loo helo “dib u heshiisiin qaran”.
Kahor weerarkii ugu dambeeyay, ugu yaraan 146 qof ayaa lagu dilay 213 kalena waa lagu dhaawacay duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay Tigray tan iyo 18kii Oktoobar, sida lagu sheegay dukumeenti ay diyaariyeen hay’adaha gargaarka oo lala wadaagay wakaaladda wararka ee Reuters toddobaadkan.
Colaadda socota ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaana ka dhashay xadgudubyo badan oo ay ka mid yihiin xasuuq iyo kufsi. Qiyaastii 400,000 oo qof ayaa macaluul wajahaya gobolka Tigray, malaayiin qofna waxay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah.
GAROWE ONLINE