Fatahaadyo xooggan oo in ka badan 100 qof ku dilay Rwanda

Image
Musiibadan waa daadadkii ugu xumaa ee Rwanda soo mara tan iyo bishii May ee sanadkii 2020.

KIGALI, Rwanda - In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay kadib markii daadad iyo dhul go’ ay ku dhufteen gobolka waqooyi iyo galbeed ee Rwanda, sidda ay masuuliyiin sheegeen.

"Guryo badan ayaa ku soo dumay dadka," ayuu yiri barasaabka gobolka galbeedka François Habitegeko. Wuxuu intaas ku daray in waddooyinka muhiimka ah ee aagga "aan la isticmaali karin sababtoo ah dhul go'a".

Warbaahinta guud ee Rwanda ee magaceeda loosoo gaabiyo RBA ayaa ku warantay in la filayo in tirada khasaaruhu ay sii kordhaan iyadoo daadka ay sii kordhayaan.

Roobabka mahiigaanka ah ayaa ka da'ay Rwanda habeen waxaana la filayaa in roobab badan ay da’aan bishan oo dhan, sidda ay masuuliyiinta cimilada ay saadaaliyeen.

Musiibadan waa daadadkii ugu xumaa ee Rwanda soo mara tan iyo bishii May ee sanadkii 2020 markaasoo ku dhawaad ​​80 qof ay ku geeriyoodeen waddankan.

Arrimo badan ayaa ka qayb qaata daadad, laakiin jawiga kulaylka ah ee uu keeno isbeddelka cimiladu waxay ka dhigtaa roobabka kuwa aad u daran.

Dunidu ayaa waxay horeba u kululaatay ilaa 1.2C tan iyo waagii warshadaha ee bilawday heerkulkuna wuu sii kordhayaa ilaa dawladaha aduunka oo dhan ay yareeyaan qiiqa badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM