Fatahaadyo xooggan oo in ka badan 100 qof ku dilay Rwanda

Image
Musiibadan waa daadadkii ugu xumaa ee Rwanda soo mara tan iyo bishii May ee sanadkii 2020.

KIGALI, Rwanda - In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay kadib markii daadad iyo dhul go’ ay ku dhufteen gobolka waqooyi iyo galbeed ee Rwanda, sidda ay masuuliyiin sheegeen.

"Guryo badan ayaa ku soo dumay dadka," ayuu yiri barasaabka gobolka galbeedka François Habitegeko. Wuxuu intaas ku daray in waddooyinka muhiimka ah ee aagga "aan la isticmaali karin sababtoo ah dhul go'a".

Warbaahinta guud ee Rwanda ee magaceeda loosoo gaabiyo RBA ayaa ku warantay in la filayo in tirada khasaaruhu ay sii kordhaan iyadoo daadka ay sii kordhayaan.

Roobabka mahiigaanka ah ayaa ka da'ay Rwanda habeen waxaana la filayaa in roobab badan ay da’aan bishan oo dhan, sidda ay masuuliyiinta cimilada ay saadaaliyeen.

Musiibadan waa daadadkii ugu xumaa ee Rwanda soo mara tan iyo bishii May ee sanadkii 2020 markaasoo ku dhawaad ​​80 qof ay ku geeriyoodeen waddankan.

Arrimo badan ayaa ka qayb qaata daadad, laakiin jawiga kulaylka ah ee uu keeno isbeddelka cimiladu waxay ka dhigtaa roobabka kuwa aad u daran.

Dunidu ayaa waxay horeba u kululaatay ilaa 1.2C tan iyo waagii warshadaha ee bilawday heerkulkuna wuu sii kordhayaa ilaa dawladaha aduunka oo dhan ay yareeyaan qiiqa badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM